Shir Ku Saabsan Sidii Loo Caawin Lahaa Dadka Abaartu Waxyeeshay Oo Lagu Qabanayo TORONTO. –

ku:- Dhamaan Jaaliyadda Soomaaliland ee Toronto.

Ujeedo:- Sidii loo taakuleyn lahaa dadka abaaruhu waxyeeleeyeen.

Waxaa la idinka codsanayaa dhamaan jaaliyada soomaaliland ee degan toronto iyo nawaaxigeeda inuu jiro shir loogaga hadlayo sidii loo taakuleyn lahaa dadkayaga abaaruhu wax yeeleeyeen , taasoo aad ogtihiin in dalka abaara ba’ani ay ka jiraan , gaar ahaan gobolada bariga soomaaliland,kuwaasoo bara kiciyey dad fara badan xooloaba ay ku nafwaayeen. 


 

Hadaba mar hadii doorashadii soomaaliland dib u dhacday abaaraha awgii waxaanu jecel nahay hadaanu reer toronto nahay inaynu wajigii labaad aynu ka bilowno toronto si wadajir ah oo siyaasadii halkaa la iska dhigo si aynu dadkeena wax ugu qabano.                                                               

Wuxuu shirku dhici doonaa maalinta sabtida ee ay taariikhdu tahay feb. 18/2017, saacadu markey tahay 4:00 pm, waxaana shirkaas lagu qaban doonaa Sahan Restourant. waxaanu mar labaad si naxariis leh idinka codsaneynaa inaynu dhamaanteen kasoo qayb galno shirkaas lagu taakuleynayo dadkeena abaaruhu waxyeeleeyeen.

 

Mahadsanid.

Wixii faahfaahin ah kala soo xidhiidh .

Shuaib Abdilaahi Hussein…416-903-1120

Mujaahid, Ahmed Jabane….416-522-1469