Waa Kuma Xoghayaha Cusub Ee Arrimaha Dibada Maraykanku?

Aqalka Senate-ka Maraykanka ayaa u codeeyay in ninka madaxda ka ahaan jiray shirkadda shidaalka ee Exxon Mobil, Rex Tillerson, uu noqdo xoghaya arrimaha dibedda ee maamulka Trump._93914763_62b9ddfd-40cc-4c1f-bd71-a2c7a3b1dbf3

Dad badan ayaa walaac ka muujiyay xiriirka dhaw ee ninkan uu la leeyahay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayadoo qaar ka mid ah senatarada jamhuuriga ay sheegeen in ay codkooda u diidi karaan Mr Tillerson.

Balse markii dambe waxaa cadaatay in Tillerson uu helay dhammaan codadka jamhuuriga iyo weliba qaar ka mid ah kuwa dimuqraadigga.

Waxa uu xilka la wareegayaa ayadoo uu sii xumanaayo xiriirka uu Maraykanka la leeyahay dalal badan oo caalamka ah, ka dib markii uu madaxweyne Trump saxiixay amarro muran dhaliyay.

Sidoo kale 900 oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa dhawaan saxiixay warqad ay ku diiddan yihiin siyaasadaha cusub ee Trump uu ku wajahayo muhaajiriinta.