War-Saxaafadeedkan oo Ka Soo Baxay Wasaarada Arrimaha Debada iyo Iskaashiga Caalamiga Ah ee Somaliland

Addis Ababa (GNN)-Waxa dalka Itobiya soo gaadhay wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Gudomiyaha ahna Musharaxa Xisbiga Taladda Dalka haya ee Kulmiye, Mudane Muuse Biixi Abdi, weftigaas oo ka koobna sidan:

  • Mudane, Sa’ad Ali Shire, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  • Mudane Mohamoud Hashi Abdi, Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland.
  • Mudane Yaasiin Mohamoud Xiir ( faratoon), Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.
  • Mudane Farhan Aden Haybe, Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawadda Jamhuuriyadda Somaliland.
  • Danjire Bashe Awil H. Omar, Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Emirates ka.
  • Mudane Ahmed Haji Dahir, Wasiirkii Hore ee Warfaafinta JSL, ahna Xubin Golaha Dhexe ee Xisbiga Taladda Dalka Haya ee Kulmiye.

Weftigaas waxa si heer iyo meeqaam sare leh ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka ee Dalka Itobiya, Mudane Ahmed Shide, Madasha Maamuuska Madaxda ee Gegida Diyaaradaha caalamiga ah ee Bole, waxa kale oo weftiga soo dhaweeyey diblomaasiyiinta safaaradda JSL ee Ethiopia, oo uu horkacayo Safiirka Safaaradda Mudane Ali Hussein Ismail, Safiir ku xigeenka Mudane ayaanle Salad Deria, iyo dhaman.

Weftigaas oo ku yimi dalka Itobiya Martiqaad rasmi ah oo ka yimi Raiisal Wasaaraha Dalka Itobiya, Mudane Hailemariam Desalegn iyo Dawladiisa.

Weftiga Somaliland iyo Madaxda dalka Itobiya ee uu uhoreyo Raiisal wasaarahu waxay yeelan doonan kulamo, kulamadaas oo kusaabsan kobcinta iyo korinta xidhiidhka iyo wadashaqaynta labada dal.

Sida taariikhdu xusayso waxa labada dal ka dhaxeeya xidhiidh qoto iyo qiimo badan oo soo taxnaa ilaa wakhti fog. Xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal oo aan lawada sheegi Karin, waayo waxa labada dal ay wadaagaan xuduud dheer oo sababaysa isku xidhnaanshaha dadka iyo dalalka, hadana hadan wax ka sheego waxa ka mid ah:

  • Dhaqaalaha
  • Amniga
  • Waxbarashada
  • Caafimaadka iyo qaar kaloo badan.

Allah Mahad Leh

Marwo Ladna Hassan Rabi

Public Relation Officer

Somaliland Embassy

Addis Ababa, Ethiopia.