Deg-deg-Shirkii u Socday Somaliland iyo khaatumo oo Maanta Jabuuti lagu soo Gabogabeeyay iyo Waxyaabaha Kasoo Baxay.

Jabuuti(GNN)-Kulankii labaad ee Waddahadalada Somaliland iyo Khaatumo ayaa Maanta Jabuuti kusoo Gabogaboobay,isaga oo shirkani daba socoday Shirkii 17December ee Sanadkii aynu kasoo gudubnay ka dhacay Xarunta Dalka Itobiya ee Addis-Ababa,kaasi oo ay ka soo baxeen Qodobbo 11-ka kooban oo ay labada Dhinac kala Saxiixdeen.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo ku sugan Magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti oo Hadhwanaagnews Khadka Telifoonka kula Xidhiidhay islamarkaana wax ka waydiisay Shirka Jabuuti uga Socda Somaliland iyo Khaatumo oo maalmihii u danbeeyay shir uga socday Dalkaasi,ayaa waxa uu Hadhwnaag u sheegay in ay dhawaan saxaafadda si wada jir ah ula hadli doonaan,balse waxa uu Tilmaamay in dib u eegis

ddddddfff
lagu samaynayay Qobaddii hore loogu heeshiyay,waxyaabaha ka hirgalay iyo wixii aan ka hirgalin,waxa kale uu intaa ku daray ay haddana Dhakhso ugu soo laaban doonaan oo kulan sadexaad loo balan sanyahay.

Geesta kale Eng Faysal Cali Xusein oo ka Jawaabay bal sida uu u arko eedo Cabasho ka timi Maamulka Khaatumo ay ka cawdeen Siiqada ay u hadlaan qaar kamid ah Wasiiradda Xukuumadda Somaliland,iyaga oo Waliba sigaar ah u bartilmaameed saday hadal dhawaan kasoo yeedhay Wasiirka Arimaha Gudaha ee Somaliland ,Waxa uu yidhi(Runtii arintaa aad iyo aad ayaanu uga Xumaanay,waxana aan Xukuumadda ugu baaqayaa in ay arintaa Go’aan Cad kasoo saarto,waxa aad moodaa in Xidhiidhkii wada shaqayneed ee Xukuumaddu meesha ka baxay mid kastaaba meesha uu doono ku dhufanayo ayuu yidhi,Musharaxa Xisbiga Ucid Mudane Faysal Cali Xusein.

Dhinaca kale waxa uu Gudoomiye Faysal hoosta ka Xariiqay in arimaha nabadayntu ay Cadaw badan leeyihiin oo ay ugu danbeeysay buu yidhi Talaabadii Prof Cali Khaliif Galaydh lagula kacay ee ay ka hor istaageen in uu kasoo dhoofo Garoonka Buuhoodle,taas oo dhalin yaro ay soo hawl galiyeen Maamulka Puntland soona hubeeyeen ay hawshaa ku talaabsadeen.
Sidoo kale waxa uu Gudoomiyuhu u mahadnaqay Wax garadka iyo Odayaasha Deegaanka Buuhoodle oo uu sheegay in ay sicad uga xumaadeen ugana soo horjeesteen talabaadaas lagula kacay Prof Cali Khaliif Galaydh oo Nin Weyn oo Odaya ah.

Ugu danbeyntii waxa uu Faysal Cali Waraabe Hadalkiisa kusoo gabo gabeeyay in ay Maanta Madaxweynaha Dalkiisu Marti galiyay kulanka ay is arkeen isla markaana uu u Duceeyay in ilaahay Hawshaa is Afgarad ku dhamaado shirkaasi