War,Saxaafadeed:Xisbiga Ucid Wuxu Cod,Dheer Ugu Digayaa Dawlada Taagta Daran Ee Dalkaas Somaliya inay Si Is Been Fareen Isugu Daydo In Loogu Wareejiyo Hawada Dalkii Laysku Odhan Jiray Somaliya oo Loogu Kala Bixin

Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid Markuu Arkay Wararka Sheegaya inuu Jiro Weerar Qaawan oo Dawlada Somaliya ee Muqdisho Rabto inay Si Qayrul Sharci oo Indho Isku Qabashoah ULa Wareegto Hawada Dalkii Somaliya Laysku Odhan Jiray oo Iyadoo Weli Loo Kala Xadayn Hawada Somaliland iyo Somaliya Wuxuu Xisbiga Ucid Soo Saaray War Saxaafadeedkan

1 Xisbiga Ucid Waxay Xusuusinayaan Wasiir jengliga Somaliya ee Warbaahinta La Tagaan Beenta ee Wareeriyey Xafiisyada UN ICAO Inuu Dib u Eego Heshiiyada Dhexmaray Somaliland iyo Somaliya ee Lagu Saxeexay Dalka Turkiga Sanadkii 2015 Heshiiskaasi oo Dhigayey In Hawada Somaliland iyo Somaliya Laga Maamulo Caasimada Somaliland ee Hargeisa islamarkaana Ay Maamulaan Guddi Quburo ah oo Ka kooban Labada Dhinac Wixii Dhaqaale Ahna Loo Qaybsado 50% Labada Dhinac Waxaanu Filaynaa Hadii Caqli jiro Inuu Wax Fahmi Doono Waxaanu Kale oo Aanu u Sheegaynaa Inuu Riyada ka Baxo oo Xaqiiqda Wajaho Islamarkaasna Ku Daalin Albaabo Saaxiibadii Hore Ugu Daaleen Sida Ciilmooge Xirsi iyo Qoorsheel oo Hore Uga Quustay Iskudayo Noocan oo Kale ah
2 Xisbiga Ucid Wuxuu Baaq Dheer u Dirayaa Haya,adda Duulimaadyada u Qaabilsan Qaramada Midoobay ee ICAO Xafiiskeeda Ku Yaala Magaalada Montereal ee Dalka Canada In Anay Dheg u Dhigin Is Been Fariinka iyo Qiyaamada Ay Wado Dawlada Somaliya ee Muqdisho Ka Arimisa Waxaad Ogtihiin Inuu Jiray Heshiis Ku Saabsan Hawada oo Dhexmaray Somaliland iyo Somaliya Kaas oo Somaliya Doonayso inay Ka Baxdo Ama Dabamartayso Waxaanu Idiinka Digaynaa Hadii aad Tihiin ICAO inaad Ku Wareejisaan Hawada Dalkii Laysku Odhan Jiray Jamuuriyada Somaliya oo Somaliland Hawadeeda Qayb Leedahay
3 Somaliland oo ah Goobta ay Maraan Diyaaradaha ugu Badani Hawadeeda ee isticmaala Hawada Geeska Afrika Waxay Awood u Leedahay inay Difaaacato Hawadeeda iyo Dhamaan Xuduudaheeda Laakiin Somaliland Ma Rabto in Halis La Geliyo Nafo Bini Aadmi oo Hawada Maraya Laakiin Taasi Maaha inay Gacmaha Ka Laaban Doonto Hadii Hawadeeda Lagu Soo Xadgudbo Hadii ICAO iska indho Tirto Heshiisyada Hore Loo Gaadhay Ee Ankara ilaa Gollaha Amaanka Qaramada Midoobay Loo Gudbiyey

Waxaa Xisbiga Ucid Talo Ahaan ugu Jeedinayaa Qaramada Midoobay Qaybteeda Hawada Ee ICAO Sadex Qodob oo Kala Ah
In Hawada Dalkii Somaliya Laysku Odhan Jiray oo Somaliland Qayb Leedahay
1 In Toos Loo Qaybiyo oo Somaliland Qaybteeda Loo Cayimo lagalana Xisaabtamo
2in Heshiiskii Ankara Lagu Dhaqmo oo Hawad somaliya iyo somaliland laga Maamulo Hargeisa
3 In Sida Hadaba UN ICAO Gacanta Ugu Hayso ee u Maamusho usii Maamusho ILaa inta lagu Kala Dhamaanayo Hawada

Ugu Dambayn Wuxuu Xisbiga Ucid Ka Digayaa In Dawlada indhaha La ee Somaliya ay Sababto Khilaaf Hawada Ka Bilaabma oo Halisgeliya Nafaha Aadmiga Hawada Maraya Maanka Waa inaad Ku Haysaan in Somaliland Hawadeeda Difaacan karo Nooc kasta oo Noqoto
Waxaanu Wasiirka Duulista iyo Hawada Jamuuriyada Somaliland Usoo Jeedinaynayaa inuu Doorkiisa Ka Muujiyo Weerarkan Hawadii Dalka Lagu Soo Qaaday Waan Aad Si Weyn Uga Hor Tagtaa Ninkan Wareeriyey Xafiisyada ICAO Ee Montereal iyo Nairobi Keniya

Allah Mahad Leh
Xoghayaha Duulista iyo Hawada Xisbiga Ucid
Cabdiqani Ismaaciil Maxamed (Foodcadde)
Emailfoodcadde@hotmail.com