Xisbiga Wadani Waxuu Magacaabay Furihii Guusha Doorashada Madaxwaynaha Aqoonyahan Xamse C/raxmaan Khayre .

Bulshada Gobolka Gabiley Waxay Qalbi Furan Ku Soo Dhawaysay Magacaabista Madaxa Ololaha Doorashada Madaxwaynaha Xisbiga Wadani  Heer Qaran  Aqoonyahan  Xamse C/raxmaan Khayre. Qalinkii Subeer Sacad Daahir

Geediga Saaxada Siyaasada S/land waa mid Tartankeedu soconayo inta la nool yahay , Guushuna waxay dhex taalaa Xisbiyada Siyaasada S/land gaar ahaan Murashaxiinta Madaxwaynaha Xisbiyada Wadani iyo Kulmiye Garoonka lagu Tartamayaana waa Guud ahaan 13 Gobol ee S/land ka kooban tahay gaar ahaan Lixda Gobol iyo Gabiley iyadoo Bulsho waynta S/land ee ku nool Deegaanadaasi Murashaxa ay doortaan Guushu raaci doonto waxaana Hubaala in Guusha Murashaxiinta Saaxada ku Tartamayaa ay ku xidhan tahay hadba Murashaxa Hela Godka Guusha Taalo soona Ciyaarsiiya Aqoonyahano Sumcad badan ku leh Deegaanada ay ka soo jeedaan iyo Guud ahaan Dalka S/land .

AQOONYAHAN HAMSE

Garashadu waa Galad Eebee Murashaxa Madaxwaynaha Dr C/raxmaan Cirro iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadani maanta waxay Garteen Bulsho Magac iyo Maamuusba ku lahayd Saaxada Siyaasada S/land ilaa Xoriyadii Lixdankii ka hor Bulsho ay ka dhasheen Siyaasiyiin, Suxufiyiin ,Abwaano iyo Culimo caanka ka ah Bulshada S/land iyo Guud ahaan Bulshada Afka Soomaalida ku hadasha oo in badan Go”odoon kaga jirtay Xilalka muuqda ee Sadexda Xisbi Qaran ee S/land isagoo Murashaxa Madaxwaynaha iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadani ka jabiyay Go”doon Siyaasadeed oo ay kaga jireen Xillalka muuqda ee Xisbiyada Siyaasada S/land Bulshada Gobolka Gabiley  una Magacaabay Gudoomiyaha Ololaha Doorashada Madaxwaynaha ee Dalka Aqoonyahan Xamse C/raxmaan Khayre .

Waxaana hubaala in Bulsho waynta Gobolka Gabiley Qalbi furan ku soo dhawaysay Magacaabista Madaxa Ololaha Doorashada Madaxtooyada Xisbiga Wadani ee Qaranka S/land Aqoonyahan Xamse C/raxmaan Khayre mar kale waxaa Hubaala in Bulshada Gobolka Gabiley  isku duubni Taageero ayna u kala hadhin kula garab joogsan doonaan Murashaxa Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Wadani Dr C/raxmaan Maxamad C/laahi iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadani Xirsi Cali X Xasan waxaana hubaal in Guusho Raaci doonto Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Wadani .

Ugu danbayn Murashaxa Madaxwaynaha iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadani waxay Gool Qurux badan  ka dhaliyeen Xisbiga Kulmiye markii ay Magacaabeen Furihii Guusha Doorashada Madaxwaynaha Xisbiga Wadani waxaanan Alle uga baryayaa in uu Guul u soo hooyo  Aqoonyahan Xamse C/raxmaan Khayre Murashaxa Magacaabay .

Qalinkii : Subeer Sacad Daahir Gabiley S/land