Abwaan Cabdikariim Qaamuuska Qarniga Ayaa Maalintii Sadexaad Sifo Sharci Daro Ah Ugu Xidhan Jeelka Gabiley Una Xidhan Gudomiyaha maxkamada Gabiley Iyo Culimo Wajaale ah

Hargaysa (GNN) Abwaan Cabdikariim Muxume Xasan Oo Ku Magac Dheer (Qaamuuska Qarniga) Ayaa Maalintii Sadexaad Ku Xidhan Jeelka Wayn Ee Magaalada Gabiley

Waxana Abwaan Cabdikariim Muxumed Xasan ” Qamuuska Qarniga” Oo Shabakada Wararka Ee Gabileynet La Xidhiidhay Uu Noo Xaqiijiyey in uu Ku Xidhan yahay Xabsiga Magaalada Gabiley Islamarkaasina Uu Xidhanyahay Maalintii Sadexaad

Waxana Uu Idhi ”Aniga Oo Ah Wariye Ama Abwaan Cabdikariim Muxumed Xasan Qaamuuska Qarniga Waxaan Maalintii Saddexaad Ku Xidhanay Jeelka Weyn Ee Magaaladani Gabiley Waxan Dhawaan meherad Studio ah Aan Ka Furtay Magaalo Ganacsiyeedka Somaliland Ee Togwajaale
Anoo Meheradaydii Jooga ayaa Waxa Isoo Weeraray Niman Culimo ah Kuwaasi Oo ila Dagaalamay Islamarkaasina Iga Jajabiyay Qalabkaygii Iyo Meheradii Aan Furtay
Waxayna igula Dagaalameen Waa Meheradasi Studio ga,ah Oo Ay Kasoo Herjeesteen Inaan Laga Furu Karin Magaalada meherad Studio ah
Kadibna way isoo Dacweeyeen Waxayna Iga Soo Dacweeyeen Gudomiyaha Maxkamada Gabiley Gudomiyuhu Muu Eegin Sida La iigu Gafay Iyo Dhibta la isoo Gaadhsiyay Ee Waxa Uu Soo Amray Xadhigayga Oo Aan Losoo Marin Sifo Sharciga Waafaqsan
Waxaanan U Xidhnahay Meheradasi Studio ga ah Maxaad Uga Furtay Magaalada Ahda Iyadoo waliba La igu Qaldamay Aniga Taasi Oo Qalabkaygii Dhamaantii Ay Culimada Degmada Wajaale Jajabiyeen Mana Garanayo Sababta Ka Danbaysay In arinakasi La Sameeeyo
“isagoo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa waxa uu Abwaan Cabdikariim Qaamuska Qarnigu Sheegay In Aanu Ilaa Hadda Helin Waxa Cadaada Ah

Si Kastaba Ha Ahaatee Maaha Markii Ugu Horaysay Ee Culimada Magaalo Gacansiyedka Togwajaale Ay Xidhaan Xubin Kamid ah Fanka Balse Waxay Hore U Xidheen Fanaanka iskalaaji
Abwaan Cabdikariin Ayaa Noqonaya Qofkii Labaad Ee Ay Xidhaan Cullimadasi Isagoo Abwaanku maalmahan Ugu Danbeeyay Ku Hawlanaa Samaynta Heeso Uu Ugu Talo Galay Xuska Sanad Guurada 18 May
Abwaan Abdikariim Muxumed Xasan (Qaamuuska Qarniga) Heesaha Ugu Danbeeyay Ee Uu Sameeyo Sanadkani Ayaa Waxa Kamid ah Heesta Baxsan Gabilay Nuuray Baro Awliyaaday Beerti aqoontay Oo Uu Qaado Fanaanka Caanka ah Ee Nuur Daalac