Abwaan Cabdirisaaq Xaamud Caydiid (Jaylaani) ayaa waxa uu soo saaray Maanso Cusub oo ku sawiraysa waayaha qallafsan ee bulsheed, siyaasadeed, iyo dhaqaale ee maanta dalku ku sugan yahay, ifafaalayaal muuqdana daaha ka faydaysa.
Maansadan oo ay Heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews ayaa waxay u soo gudbinaysa Macaamiisheeda ku xidhan haday tahay Akhris, Haday tahay Daawasho iyo haday tahay Dhageysiba
“Kolka maanku gudhan yahay,
Garashada san baan jirin,
Godlashada hankaa maqan,
Indhahaa garaad haga,
Ruuxduna go’aan ma leh
In fog ay ku gaadhoo;
Waxa gaba damiirkii
Garan laa xumaantoo
Mar hadduu ka gaabiyo
Gar caddaaladeediyo
Garawshiiye ruux saxan
Cadligaa gumooboo
Belo waa gaddeedee….”
Waa tix goor dhoweyd soo baxday oo uu curiyay halabuurka maansadiisu dareenka dhabta ah ka curato ee Abdirisaaq Xaamud Jaylaani. Waa tix hannaan sandahan oo sogordoh ah u sawiraysa waayaha qallafsan ee bulsheed, siyaasadeed, iyo dhaqaale ee maanta dalku ku sugan yahay, ifafaalayaal muuqdana daaha ka faydaysa. Fadlan sii fidiya.