Daawo-Berbera-Qaar Kamida Shaqaalaha Cusub Ee Dekeda Berbera Ee Ay La Wareegtay Shirkada Dp World Oo Saaka Mudaharaad Ay Ku Saluugeen Mushaharooyinka Sameeyey.

Berbera(GNN):-Shaqaalaha Ay La Wareegtay Shirkada Dp World Oo Ay Dib Heshiis Shaqaaleysiinimo ula Gashay Shirkadu Ayaa Saaka Gudaha Magaalada berbera Ka Sameeyey mudaharaado Ay Kagaga Jawaabeen Saluug Ay Ka Muujiyeen Mushaharooyinka Shirkadu u Qorayso.

Dadka mudaharaadka dhigaayey ayaa waxaa ay ahayeen shaqalihii dekada Berbera waxaana ay ka mudaharaad sida ay sheegayan wararka ay helayso Gabiley.net uu ka bilowdey ka dib markii maamulka cusub ee dekadaas xukuumadu ku wareejisay ay ku war galiyeen in ay ku shaqeeyaan lacag aad uga jaban tii ay markii hore ku shaqeyn jireen isla markaana waxaa ay ugu hanjabeen hadii ay lacagtaasi ugu shaqeyn wayaan in ay iskaga tagaan shaqada oo ay ku bedelan doonan dad ka soo jeeda dalka Hindiya oo igu lacagtaas jaban ugu shaqeyn doonan

Dhamaanba shaqalaha dekada ayaa hadalkaasi ganafka ku dhuftey isla markaana waxaa goobta ka istaadhmey mudaharaadii ugu weynaa waxaa gabi ahaanba istaagtay shaqadii dekada iyada oo la bakhtiyey Korontadii dekadu ku shaqeynaysa

Sidoo kale waxaa goobta lagu gubey astaanta ay leedahay shirkada dhawaan lagu wareejiyey maamulka dekadaase ee DP World iyo dharkii ay kaga shaqeynaayeen dekada , waxana ay hada shaqaliii gabi ahaantoodba ku sugan yahiin suuqa iyaga oo dekada ka dareeray

Dhinca kale waxaa goor dhaweyd goobta soo gaadhey ciidamo Boolis ah oo isku deyay in ay shaqaalaha ka hor istagaan in ay dibada uga soo baxaan dekada Balse u suurto gali weyday