Cali-Gurey Oo Sheegay Inuu Guddoomiyaha Guurtidu Si Badheedh Ah Dalka U Geliyey Xaalad Dawlad La’aaneed, Kana Dib Dhacay Wakhtigii Distoorku U Jideeyey Muddo-Kordhinta

“Ka dib saqbadhkii habeenkii bishu labaad ahayd 28-ka, Somaliland waxay gashay meel la’aan(Vacuum) uu Gudoomiyaha Guurtidu si badheedh iyo ula kac ah u geliyay markii ugu horeysay taariikhda Somaliland ilaa 1991kii….”Cali-gurey

Waxa uu Guddoomiyaha Guurtida Ku Eedeeyey Inuu Wakhtigii Ku Lumiyey Qancinta xubnaha Golihiisa sidii ay iskugu raaci lahaayeen muddo-kordhin ay gudahoodu ka midaysan yihiin

cali guray

Hargeysa:(Hubaal)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf Cali-gurey oo katirsan xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ku eedeeyey inuu dalka geliyey xaalad dawlad la’aan ah, kadib markii uu dhaafiyey waqtigii distooriga ahaa ee ay ahayd in muddo-kordhin la sameeyo.

Cali-gurey oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook-gga, ayaa sheegay inuu guddoomiye Saleebaan arrintaas si badheedh ah u sameeyey, isla-markaana uu waqti badan ku lumiyey qancinta xubnaha ay golaha ku wada jiraan.

Qoraalka Cali-gurey oo u muuqda mid bulshada baraarujiyey, ayuu ku sheegay in la baalmaray qoddob distoori ah oo sheegay in muddo-kordhinta la sameeyo bil ka hor inta aan la gaadhin taariikhda loo cayimay doorashada, taas oo imika la dabbaqin.

Qoraalkaas, ayaa waxa uu u dhignaa sidatan:

“Ka dib saqbadhkii habeenkii bishu labaad ahayd 28-ka, Somaliland waxay gashay meel la’aan(Vacuum) uu Gudoomiyaha Guurtidu si badheedh iyo ula kac ah u geliyay markii ugu horeysay taariikhda Somaliland ilaa 1991kii. Madaxwaynuhu Maxkammadda sare wuxu u gudbiyay qoraal uu ku lifaaqan yahay muddo kordhintii lagu wada heshiiyay. Ka dib Maxkamadda Sare waxay ku amartay Golaha Guurtidu inay ka gutaan waajibkooda dastuuriga ah. Lakiin nasiib darro Gudoomiyaha Guurtidu mudadii sharciga ahayd wuu ka warwareegay in Golaha oo Fadhiyay uu hordhigo si uu uga kaguto waajibkiisa dastuuriga ah. Dastuurku wuxu xadiday taariikhda muddo kordhintu inay noqoto marka ay bil ka hadhay taariikhda loo cayimay inay doorashada oo ahayd 28/3/2017. Markaa waxay ahayd bishan 27keedi in go’aanka Muddo kordhinto ee Guurtidu uu soo baxo. Ma soo bixin taariikhdii doorashadana waxa ka hadhsan wax ka yar bil. Markaa waxa bilaabmay political vacuum. Maxaa xal ah? Maxaase saacadan aynu joogno sharci ah ee jira marka aynu raacayno Dastuurka Somaliland? Sharciga Somalilandse muxuu ka yidhi marka ay tan oo kale dhacdo. Kolay xaajadani waa ugub oo wax hore inoo soo maray maaha. Bisha kala guurka iyo taariikhda qabashada doorashadu wax shuqul isku leh maaha Dastuuruna hadii aanan qaldanayn taariikhda loo cayimay Doorashada marka ay bili ka hadhsan tahay waa in Goluhu Muddo kordhin wakhtiga ay ku qabsoomi karayso doorashadu. Waxa laga yaabaa in Gudoomiyuhu ugu jiro olole sidii ugu qancin lahaa dhamaan xubnaha Golaha lahaa muddo kordhin aan loo baahnayn oo inta uu doonayo ah” ayuu yidhi Cali-gurey.