Cali Khaliif oo Ka Duulaya Madaarka Jabuuti Saaka Kuna Waajahan Imaaraadka iyo Wakhtiga La Filayo Inuu Wada Hadalka Somaliland iyo Kooda Khaatumo Furmo

Waxaana wararka nasoo gaadhayaa ay noo sheegeen in horjoogaha Kooxda Khaatumo iyo waftigii uu hogaaminayey ay saaka ka duulayaan garoonka Diyaaradaha dalka Jabuuti iyaga oo shalay gaadhay dalkaasi,waxaana ay waftigan u baxayaan dalka Imaaraadka Carabta oo loo qorsheeyey inuu ka furmo wajiga Saddexaad ee wada hadalada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo.Diyaaradda sidda waftiga uu hogaaminayo Dr Cali Khaliif Galaydh ayaa la sheegay in ay cago dhigan doonto dalka Imaaraadka Lixda Maqribnimo ee caawa .

Waxaana sidoo kale magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta iyaguna ku sugan waftigii Somaliland uga qayb galayey wada hadaladan wajigiisii Saddexaad bilowga yahay,waxaana ku sugan dalka Imaaraadka madaxwayne ku xigeenka Somaliland iyo wafti wasiiro ah oo ka socda Somaliland kuwaas oo dalka Imaaraadka u tagay heshiiska saldhiga Milateri ee Berbera laga bixiyey.