DAAWO  Waftigii uu hogaaminaaye Ciro oo caawa fiidkii soo gaadhay magaalada London + SAWIRO

Waxa caawa fiidkii magaalada London soo gaadhay wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo musharaxa xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan C/laahi Ciro, waftigani oo ka soo kicitimay caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa waxa madaarka Heathrow ee magaalada London ku soo dhaweeyay dad weyne aad u tiro badan oo ku qaabilay ubxayo qoorta loo sudhay.


Cabdiraxmaan Ciro ayaa lagu wadaa in uu maalinta arbacada qudbad dhinacyo badan taabanaysa uu ka akhriyi doona aqalka caanka ah Chatham House ee lagu falan qeeyo siyaasada caalmka halkaasi oo yaalaa ay ka hadlaan siyaasiyiinta caalmka ee caanka ah ama la yaqaano.

Waxana jirta in ay aqalkaasi Chatham House- ay joojiyeen dadkii doonaayay in ay ka qayb galaan dhagaysiga qudbadaasi, kadib markii dadkii loogu talo galay ay buuxsameen waxana ay sheegayaan maamulka aqalkaasi in dad ciidaasi ka badani ay soo dalbadeen in ay dhegaystaan qudbada musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo aad loo eegaayo waxa uu halakaasi ku soo bandhigi doono iyo iyada oo la waydiin doono su’aalo

IMG_7811IMG_7812IMG_7813IMG_7784IMG_7785IMG_7786IMG_7787IMG_7794IMG_7795IMG_7796IMG_7799IMG_7800IMG_7801IMG_7803IMG_7807IMG_7808IMG_7810IMG_7734IMG_7740IMG_7742