Dib u Celi Xusuustaada 2010kii Oo Dib u Milicso Hadalo Aan ka Guntay Sadexdii Musharrax Ee Tartamay, Eeg Waxa kuu Soo Baxa! .Wariye Sahra Ciidle .

Doorashadii Madaxwaynaha iyo ku Xigeen ka ee Somaliland ka dhacday bishii June 2010 kii sadexdii Musharax ee ku tartamay xil ka Madaxwaynaha Somaliland ayaan mid kastaba gaar u waraystay markii ay soo baxday natiijada doorashadu.

Mundane Daahir Riyaale Kaahin madaxwaynihii xiligaasi ee laga guulaystay ayaan waydiiyay waxa uu ku sababayn Karo guul daradiisa ?

wariye sahra ciidle nuur

Rayaale= Mudo ayaanu xafiiska joognay oo dadka ayaa is bedel u baahday markaa waxan odhan lahaa ha nala soo arkaan cidda ay moodeen inay anaga nooga fiican tahay .

Mundane Axmed Maxamed Maxamuud ( Silaanuo) madaxwaynihii la doortay ayaan waydiiyay maxaa u Sabab ah guusha aad ka gaadhay doorashada ?

S= Dadku Waxay ka daaleen nidaamkan boobka, dhaca, umada kula kacay ee dadkii wada tahriibay ee dhalin yaradii shaqo la, aantu ku habsatay ee dalkii dhaqaalihiisii curyaamiyay ee niyad jabka laga qaaday ee dalkii Ictiraaf keeni waayay.

Mundane Faysal Cali Waraabe, musharaxii UCID ee laga guulaystay ayaan waydiiyay Maxaa u sabab ah Inaad doorashada ku guul daraysato?

F= Labada Xisbi ee nala tar tamayay Beelo iyo tolaay Yaa Reer Hebel ah ayay ku Olaynayeen anaguna Mab’da iyo barnaamij cad oo waxaanu qaban doono iyo waxa aanu joojin doono ku dhisan ayaa baanu dadka ugu baaqaynay, waxay ahayd in ay isbedelka aanu rabto dalka inaanu ku keeno nagu doortaan balse dadkayagu halkaa may gaadhin wali, laakiin waxa ogaan doonaan inanay waxba bedelin , markaa 5 sano ka dib ayay garan doonaan , markaa ayay u bislaan inay barnaamij wax ku doortaan iyo mawqif markaa ayay anaga noo soo noqon Insha Alaahu tacaalaa laakiin markani kaayagii Muu ahayn .

Waxa hada mudadaasi laga joogaa 7 sano marka aad hadaladaa masuuliyiinta dib u qiimayso maxaa kuu soo baxay ?