DAAWO SAWIRADA:Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Macalinkii Ay Magaca Iskaga Mid Noqdeen Oo Ee Lagu Xidhay Magaalada Hargeisa

Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Macalinkii Ay Magaca Iskaga Mid Noqdeen Oo Ee Lagu Xidhay Magaalada Hargeisa

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ayaa Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Nin Ay Isku Magac Yihiin Oo Dhowaan Ciidamada Policeku Ku Xidheen Magaalada Hargeisa
Ninkan Oo Lagu Magacaabo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ayaa Isagu Ahaa Maamule Ku Xigeenka Dugsiga Nuuradiin Secondary Ee Magaalada Hargeisa,Isaga Oo In Mudo Ah Bare Ka Ahaa Dugsigaasi
Ninkan Ayaa La Sheegay Inay Madaxweynaha Iskaga Mid Yihiin Sadexda Magac Ee Hore, Isla Markaana Jacayl Uu U Qabo Madaxweynaha Awgii Ugu Darsaday Magciisa,Siilaanyo,Waxaana Arintaasi Daba Gal Ku Sameeyay Ciidamada Policeka Somaliland Kuwaas Oo Ugu Danbayntii Xidhay Macalin SIILAANYO
Inkasta Oo Aanay Jirin Ilo Wareedyo Faah faahin Naga Siiyay Waxay Ka Wada Hadleen Madaxweynaha Somaliland Iyo Macalinkani Ayaa Hadana Waxaa Noo Suuro Gashay Inaanu Helno Sawiro Madaxweynaha Somaliland Kula Galay Aqalka Madaxtooyada Kadib Markii Macalinka Loo Soo Celiyay Xoriyadiisa
Si Kastaba Ha Ahaate Arintan Lagu Xidhay Macalin Siilaanyo Ayaa Noqotay Mid Si Weyn U Hadal Hayaan Dadka Reer Somaliland,Maadama Oo Ay Tahay Markii Ugu Horaysay Ee Laysku Xidho Magac Layskaga Mid Noqday
Gabiley.Net ,Hargaysa