Dawladda Ingiriisa aya asharaxaad ka bixisey Tabaha ay Somaliland u hel karto aqoonsi buuxa oo dhanka beesha caalamka ah isla markaana hoostas ka xariiqday in ay jiraan dalal badan oo dunida kamid ah oo danaynaya qaranimada Somaliland.
Dawladda Ingiriisku waxay taageere awood badan u ahayd madaxwayne Xasan Sheekh maxamuud inkaste oo ay la wadaagaysay qaadhaan bixiyayaasha kale ee aanay ugu qanacsanayn hawl gudashadiisa oo aan kali ah ahayn musuqmaasuqa.
Dawladda Boqortooyo Midowday waxay qabtaa aragtoda faderaaliga ah ee Somaliya oo ay dawlada Uk laleedahay xidhiidh fiican oo ku dhisan iskaashiga horumarka la dagaalanka argagixisada iyo arrimaha budhcad badeedka.Laakiin aan aqoonsanayn una aqoonsan doonin sidii dawlad madax banaan.
Dawladda Uk waxay dhiiri galisay wada hadalo toos ah ood hex mara dawlada Faderaalka Somaliya iyo dhigeeda Somaliland sanadahani.Guud ahaanba siyaasadda UK maaha inay taageerto gooni u goosadka ee ka jira wadamada dunidu aqoonsan tahay .
Siyaasaddani waxay salka ku haysaa mawqifka qaramada Midoobey ilaa intii la aasaasay ee ka dambaysay dagaalkii 2-aad ee dunida,hase’yeeshee waxa jira meelo yar yar oo ka baxsan mawqifkani.
Waxa kamid ah meelah aaan ka jirin meelahaa ay aqbaleen dhinacyadii isku dalka ahaa caadi ahaa inay si nabad ah uu kala baxaan sida koonfurta Sudan Iyo Eriteria.
Waxa kale oo kamid ah meelaha aan ku jirin meelaha qarankii (Dalkii) lumiyey sharciyadiisii (Dalnimo la aqoonsanaa) marka lagu eego indhaha beesha caalamka oo ay ku jirto UK.( dalal badan ayaa kasoo dhex baxay dalkii hore loo odhan jire Yugoslavia).
Marka ay noqoto in UK ka caawiso somaliland inay aqoonsi hesho marka hore waxa loo baahan yahay inay siyaasaddaasi qaadato Somaliya,amaba aragtida ay u aragto in qaranka (Dalka Somaliya) lumiyey sharciyaddiisii . Dawlada UK aadbay ugu adag tahay inay kaligeed tallaabadaasi qaadato.taas oo macnaheedu yahay inay kala aragti tahay saaxiibadeeda kale ee dunida sidaasi ay la qabaan.Qaadista talaabadaasi ee xilligan waxay maax duminaysaa aragtida maraykanka iyo midowga Yurub e kale.
Waxa jira qaar badan oo beesha caalamka kamid ah kuwaasi oo u hanwayn doonista madax banaanida ee Somaliland/Laakiin waxay u muuqdaan qaar sugaya in waddan ka mdi ah midowga Africa uu bilaabo talaabadaasi.