DAAWO Qaabkii Ay U Dhacdey Mudo Kordhintii Ay Maanta U Sameeyeen Golaha Guurtidu Madaxweynaha Iyo Ku Xigeenkiisa

Waxaana fadhigan oo ay badiba kasoo xaadireen xildhibaanada golaha guurtida gudoominayey gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland saleebaan maxamuud Aadan,waxaana ay guddigii loo xil saaray kasoo talo bixinta muddo kordhintu ay golaha hortooda ka akhriyeen nuxurka muddada ay u arkeen in xukuumadda loo kordhin karo,waxaana ay guddigan soo bandhigeen in doorashada madaxtooyada dib loo dhigo muddo 8 bilood ah oo ku beegan in doorashada la qabto bisha December 2017-ka.Waxaana xildhibaanadu intaasi ka dib ay guda galeen codaynta waxaana in xukuumadda loo kordhiyo muddo 8 bilood ah u codeeyey 74 xildhibaan,waxaana ka aamusay hal xildhibaan gudoomiyuhuna muu codayn,waxaana sidaasi ay xildhibaanadu ku ansixiyeen in doorashada madaxtooyada Somaliland dib loo dhigo muddo 8 bIlood ah oo ka bilaabmaysa 28.March.2017 lana qaban doono doorashada 13.December.2017-ka.Xildhibaanadan golaha guurtida Somaliland ayaa sidoo kale waxay ansixiyeen in doorashooyinka labada gole qaran iyo golayaasha deegaanka dib loo dhigo muddo Hal Sanno iyo dheeraad ah.Gabagabadiina doorashada madaxtooyada Somaliland ayaa dhacaysa Bisha December 2017-ka iyada oo xukuumadda oo cimrigeedu gabaabsi ku dhawaana loogu daray muddoo 8 bilood ah.