Dabley Hubeysan isla markaana aan la aqoonsan cid ay yahiin ayaa waxaa ay
habeenkii xalay aheyd abaaro 2 habeenimo ay weerar ku qaaden guriga wasiirka wasarada Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Maxamuud Sheekh Cabdilaahi
Dableydii weerarka soo qaadey ayaa waxaa ay rasaas la dhaceen albaabada iyo gidaarada aqalkaasi waxaana iska caabin kala hor yimid ilaalada wasiirka , wax khasaare ahina kamuu dhalan
Wasiirul dawlaha wasaarada arimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo arintani ka hadley waxaa uu sheegay in baadhis la wado isla markaana dad arintaasi loo tuhmey la hayo
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan