Laamaha Amaanka Dalka Ingiriiska Oo Ka Hadley Weerar Xalay Lagu Qaadey Xarunta Baarlamaanka Dalkaas Iyo Khasaaraha Ka Dhashey

London(GNN):- Booliskadalka Ingiriiska ayaa sheegay in weerarkii Arbacada ka dhacay buundada

Westminster iyo bannaanka hore ee baarlamaanka dalkaasi ay u badan tahay inuu xidhiidh la leeyahay Islaamiyiinta.

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

 

Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda la dagaalanka argagixisada ayaa sheegay inuu rumaysan yahay in ay garanayaan huwiyadda qofka weerrarka gaystay.

 

Shan qof ayaa dhimatay ugu yaraan 40 kalana waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii qofkaasi weerarka soo qaaday uu gaadhi marsiiyay dad marayay wadada dhinaceeda, iyo markii dambana uu toorey askari la dhacay boolis ah ka hor inta aanan la toogan.

Askariga dhintay ayaa waxaa lagu magacaabay Keith Palmer, oo 48 jir xaasle aabe ah.

Ra’iisul Wasaare Theresa May ayaa sheegtay in weerrarku uu ahaa mid shaydaannimo ah oo lagu qaaday xorriyadda, dimuqraadiyadda iyo xorriyadda hadalka.

Qofka weerrarka gaystay ayuusan boolisku weli magacaabin.