Deg-Deg- Fanaanka Nimcaan Hillaac Oo Suudaan Lagu Xidhay.

Ciidamada Booliska Dowladda Suudaan ayaa xabsi u taxaabay Fanaanka Nimcaan Hilaac oo ah fanaan da’yar oo dhawaanahan soo baxay kaasoo muddo todobaad ah ku sugnaa Dalka Suudaan si uu Soomaalida Suudaan joogta ugu sameeyo bandhig faneed.a4f7be2f1-1

Fanaanka ayaa la xiray kadib markii ay Booliska ka war heleen in Hool ku yaala Magaalada Khartoum ay ka socdeen heeso uu fanaanku u qaadayay kasoo qayb galayaan dad tira ahaan ilaa boqol iyo konton qof oo isugu jiray gabdho iyo wiilal da’yar u badan, kuwaasoo meesha fanaanka kula caweenayay

Dhalinyaro goob joog ahayd oo joogay meesha uu fanaanku heesaha ugu qaadayay ayaa sheegay in Hoolka mar qura ay soo galeen Boolis kuwaas oo si toos ah u abaaray fanaanka kadibna dadwaynahii hortiisa ku dharbaaxay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhalinyaradii fanaanka Khartoum ku marti qaatay ay warqadii ogalaashaha Hoolka ay markii hore ku been abuurteen ayna soo qorteen in meesha waxa ka dhacaya uu yahay Aroos ay Soomaali isku guursanayso oo aysan ahay bandhig faneed lacag lagu galayo

Fanaanka Nimcaan Hilaac ayaa ilaa hada la sheegayaa in su’aalo lagu waydiinayo isaga iyo dhalinyaro kale oo howsha la waday Saldhig boolis oo ku yaaala Magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan

Dowladda Suudaan ayaa sharci gaar ah u sameysay fanaaniinta iyo bandhigyada nuucaan oo kale ah iyadoo dowladda hoose ee Khartoum ay lacagta meesha kasoo baxda ay ku leedahay qayb oo ay wax ka ogaanayaan waxii la qabtay.

Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in lagu sii daayo fanaanka si damaanad ah, inkastoo wararka qaar sheegayaan in fanaanku uu wato Baasaboor Jabuuti ah oo uusan Soomaali ahaan wadanka ku soo galin.