Musharax Cabdiraxmaan Ciro Oo Wareysi Uu La Yeeshay Telefishanka Universal Ku Lafo Guray Dhibka Ka Dhalan Kara Saldhiga Military Ee Imaaradka

Wefdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo musharraxa madaxweynenimo ee xisbiga
mucaaradka ah ee WADDANI,ahna guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland oo ku sugnaa dalka Ingiriiska ayaa khudbad taariikhiyana ka jeediyey aqalka Chattan House-ka dalka Ingiriiska.

Telefiishanka Universal Tv qaybtiisa dalka London ayaa barnaamijka Dood Wadaag ku martiqaadey Musharraxa Cabdiraxmaan waxaana uu Ciro si cilmiyeysan uga hadley dhibaatada ka dhalan karta saldhigga Millatare ee dawladda Imaaraadka Carabta laga siiyey magaalada Berbera iyo guud ahaan xaaladda guud ee dalka Somaliland.