Deg-Deg-Kooxo Isku Xidhan Oo Isugu Jira Ajaanib iyo Somaali Oo Faro Baas Ku Haya Dhalinyarta Qaangaadhka Ah Wiilasha iyo Gabdhaha, Fal Iyo Sixir Lagu Qafaasho, Dhacdooyinkii 24 Saac ee U Danbeeyey.

Hargeisa(GNN):- Labadii Todobaad Ee Ugu Danbeeyey Shacabka Ku Dhaqan Somaliland Ayaa Dareen Cabsi leh Ka Muujiyey Kooxo Sixir Iyo falal Ku Kaxaysta Dhalinyarada Kala Duwan ee Da’a ahaan Qaangaadhka Ah, oo U Badan Hablaha,

Mushkiladan Kusoo Korodhay Shacabk Oo Shaki Xoogan Ku Keentay Ayaa Waxa Isa Soo Taraya  Shaqsiyaadka Inta La Sixiray Sidaana Lagu Kaxaystay Islamarkaana Qaar Ka Bedbaadeen Qaarna Ilaa Hadda Aan La Ogeyn meel Ay Jaan Iyo Cidib Dhigeen.

Kooxahan Shuftada Ah oo isugu Jira Dad Ajaanib Ah iyo Dadyow Somaali Ah Ayaa Sida Ay Noo Xaqiijiyeen Hablihii Ay Ku Dhacday Arintani, U Sameystay Guryo Iyo Xarumo Dadka Lagu ururiyo islamarkaana Lagu Sameeyo Baadhitaano Kala Duwan oo Dhiiga Laga Qaadayo,

Magaalada Hargeisa Labadii Todobaad Ee ugu Danbeeyey Waxa Ka Dhacay laba Arrimood Oo Fajac iyo Amakaag Ku Abuuray Bulshada.

Maanta Oo ay Taariikhdu Ahayd 07/04/2017 Subaxnimadii Hore Saaka Abaaro 6:15 daqiiqo Waxaa Magaalada Hargeisa Gaar Ahaan Degmada 26 June Xaafada Gojano Laga Qafaashay Inan Qaangaadh Ah oo Magaceedu yahay Faadumo Cismaan Aw Xassan, iyadoo Wakhtigaasi Ku Sugnayd Afaafka Hore Ee Gurigooda Oo Ay Nadiifinaysay, Waxaana Gabadhani Sheegtay In Laba Nin Oo Cadaaan Ah iyo nin Somaali Ah oo wata Gaadhi Noociisu Yahay Laanguruusal Midabkiisuna Yahay Cadaan Ay ag joojiyeen Gaadhiga Aqalka Hortiisa islamarkaana Wadihii gaadhiga oo somali ah uu kasoo degay biyo uu caagad ku sitayna ku shubay, Waxaana Ay Sheegtay In Markaasi Ay Kala Garashadu ugu Danbeysay.

Kadib Hadaba Markii Ay Saareen Gaadhiga Gabadhan oo Markaasi Kala Garashadu ka Luntay Oo Miyir Doorsoonsan Ayaa Kusoo Baraarugtay Iyadoo labadii nin Ee Cadaaanka Ahaa Mid kamid Ahi Gaadhiga Ay Wateen dhexdiisa Inta Gacanta uu Kagaga Xidhay Xadhiga Yar ee Lagu Xidhiyo Marka qofka xididka gacanta laga mudayo irbadu kagaga muday xididka, islamarkaan ay soo noqotay kala garashadu ee ay dareentay irbada la duray qaylo ku dhufatay iskuna dayday inay gaadhiga iska tuuro oo taagnaa agagaarka sariimada xaafada jigjigayar ee u dhow dugsiga Al Irshaad Primary School, Waxaa Markaa Maqlay Qayladii gabadha Haween Wakhtigaasi Ku Socoday Sariimada Iyo Arday Goobihii Waxbarasho Tagayey, Waxaana Faadumo oo Ah Gabadha Arrintan Naxdinta Lehi Ku Dhacday Oo ka Waramaysa Sheegtay In Haweenkii Wadada Marayey Iyo Ardaydii markii Soo Yaaceen Baabuurkii Ay Wateen Nimankani Saddexdan Nin ee Labada Ajanabiga Ah iyo Mid Soomaaliga ah Xafar Ku Dhaqaaqeen Iyagoo markaa Ka cararaya In Dadku Wajigooda Arkaan,

Haweenkii La Kulmay Gabadhan ee Ilahay U Bixiyey Ayaa La Soo Xidhiidhay Qoyskii Gabadhan La Qafaashay Saaka Sidaa ugu Wareejiyey Ehelada Qoyska Ay kasoo Jeedo.

Waxaana ehelada Gabadhan Sixirka lagu Kaxaystay Oo Qaar Aan La Xidhiidhnay nooga warameen Sida Ay Wax u Dhaceen Iyagoo Noo Sheegay in Ay Geeyeen Islamarkii ay gabadhan Soo Kexeeyeen xarunta baadhista Danbiyada Somaliland Oo Wax lagaga Qoray.

 

Si kastaba ha Ahaatee Falalkan Waxshinimoda Ah ee Lagu Qafaalanayo Bulshada Ayaa Soo noqnoqday Bishii ugu Danbeysay,  Iyadoo Horaantii todobaadkii horena Sidan Oo kale Ay Ku Dhacday Arrin Noocan oo kale Ahi Gabadh Dhalinyar Ah oo Qof Dumar Ah oo Waayeel Ahi Sixirtay Laguna Soo Qabtay Dhinaca Galbeed ee magaalada Hargeisa.

 

Dadka Falanqeeya Arimaha Bulshada ee Sida Tooska Ah ula Socoday Arimahan Ayaa Dhacdadan Ku Sheegay Inay Tahay Qafaalasho Dadka Qaangaadhka Ah lagu ugaadhsanayo, islamarkaana Dalka Ay Soo galeen Dadyow Soo galooti Ah oo  Ka Shaqeeya Arrimahan islamarkaana Gacan ka helaya Dad Somaali Ah oo Ay ku Adeegtaan,

Waxaana Dadka Qaar Sheegeen In Dadkan la Sixiro Iyadoo Laga Luminayo kala Garashada Lagala Baxo Xubnaha ugu Muhiimsan ee Qofka Bani’aadamka Ah Jidhkiisa, Iyadoo Kooxahan Isku Xidhan ee Isugu Jira Ajanabiga Iyo Soomaalidu Kagaga Ganacsadaan Xubnahaasi jidhka Qofka.

Hay’adaha Nabad Sugida Iyo Booliska Ayaan Ilaa Hadda Iyagu Wax Jawaab Ah kasoo Saarin Falalkan Ku lidiga Ah Arimaha Bani-aadamtinimada iyo Caqiidada Diinta islaamka ee Bulshadani Aaminsan Tahay.

Iyadoo Wararka Qaar Sheegayaan Inay Jiraan Guryo Iyo Xarumo lagu Ururiyo Dadkan oo lagaga Saaro Xubnahan Muhiimka Ah.

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network