Dhalinyarada Gobolka Gabiley oo Soo Dhawaysay Axmed Ciisood oo Loo Magacaabay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ee Gobolka Gabiley.

Gabiley (GNN):- Dhalinyarada Gobolka Gabiley ayaa soo dhawaysay isla markaana hambalyeysay isku-duwihii hore ee Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guriyeyn Mudane Axmed Maxamed Axmed (Axmed Ciisood) oo dhawaan Loo Magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ee Gobolka Gabiley.

Axmed ciisod

Gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay xisbiga Wadani ee gobolka Gabiley oo bil ka hor masuuliyiinta gobolka Gabiley iyo kuwa xukuumada ee gobolka kasoo jeedaa isku wada raaceen in wasaarada laga eryo, taasi oo keentay in dhalinyaradu ka cadhooto una raacaan Axmed xisbiga uu galayo, maantana ay ku hambalyeeyeen kuna bogaadiyeen hogaanka iyo musharixiinta xisbiga WADANI dhalinyarada uu xilalka ugu dhiibay gobolka Gabiley.

Guud ahaan dhalinyarada gobolka Gabiley ayaa bilihii ugu danbeeyey ku qulqulayey xisbiga Mucaaradka ee Wadani oo xilal u magacaabay qaar ka mida dhalinyartii hormuudka u ahayd gobolka Gabiley, halka masuuliyiinta xukuumada ku jira ee gobolka Gabiley na wadnaha farta ku hayaan in xilalkooda loo dhiibo dhalinyarta Wadani magacawday.

Baroorta iyo ergooyinka wasiirada gobolka iyo maayarada ayaa mudooyinkii danbe kusoo badanayey dhalinyarada reer Gabiley ee xisbiga WADANI xilalka u dhiibay, kuwaasi oo marka hore ee ay shaqaalaha dawlada ahaayeena ka dacwaynayey wasaaradihii ay u shaqaynayeen, waxaanay isu qaban la dadwaynaha reer Gabiley sababta ay marka hore u fogaynayaan dhalinyarta mutacalimiinta ah iyo oohinta danbe ee ay leeyihiin ha galina xisbiyada kale ee dalka.

Musharaxa xisbiga mucaaradka ee WADANI oo hore ugu magacaabay madaxa ololaha xisbigaasi ee heer qaran Xamse C/raxmaan Khayre ka mid ahaa dhalinyarada haldoorka dalka ee kasoo jeeda gobolka Gabiley  ayaa haddana ka daba magacaabay Axmed Ciisood, arintani oo ka dhaigaysa in xisbiga WADANI uu hantay taageeradii dhalinyarada gobolka Gabiley.

Gabiley.net

Office Gabiley