Golaha Wakiilada Somaliland Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Hawl Galada Shidaal Baadhista Ee Wasiirka Macdanta.

Hargeysa (GNN)-Guddida Joogta ah ee Golaha Wakiilada, ayaa sharci daro ku tilmaamay Shirkadaha Shidaal baadhista ka wada dalka, waxayna sheegeen haba yaraate inaanu jirin heshiis lala galay Shirkadahan, oo loo soo gudbiyey Golaha Wakiilada iyo sidoo kale sharci ka soo baxay Wakiilada oo loogu ogolaaday inay dalka ka baadhaan Shidaal, balse ay  Wasaaradda Macdantu iskeed ula heshiisay.

Guddoomiyaha ku xigeenka Guddida Joogta ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale, oo isagu Kal-fadhigii shalay ee Golaha Wakiilada warbixin ka soo jeediyey ayaa sidoo kale Golaha Wakiilada ugu baaqay inay arintan si deg deg ah uga jawaabaan, waxaanu yidhi “Arinta muhiimka ah waa arinta Shidaal Baadhista iyo Macdanta, ee Wadanka maanta
ka socota, ama hore uga socday, Shidaal la baadhayo, Macdan la gurayo, mid la gurayo, waxaas oo dhan baa wadanka ka socda, Guddida Khayraadka Dabiiciga ah, waxay yidhaahdeen waanu odorosnay, waanu baadhnay, waxay yidhaahdeen “Markii aanu arimahaas baadhnay, ee aanu nidhi halkay ka socdaan Shirkadahani, waxay yidhaahdeen waxa la nagu yidhi Shirkadaha heshiisyo ayaa lala  galay, oo Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ayaa wada” markaas inagu heshiisyo ma hayno, oo Shirkado heshiisyo lala galay ma hayno, oo ma jiro heshiisyo aynu ugu ogolaanay iyo Sharci ansax noqday oo hawl-gal ah oo ay ku shaqeeynayaana ma jiro.”

Xildhibaan Ducaale oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Anigu garan maayo in daraafyo la hayo, laakiin sharci shaqeeya ma hayo, maaha nuxurku waxba la diidan yahay, maxa wax loo baadhi waayey, laakiin waxa shaqeeya waa inay si sharciya ku shaqeeyaan, oo waa inagii Saldhigii Milatariga ansixinay, Dekadda ansixinay, waxaba anisixinay, tana haddii heshiisyo caalamiya Sharaa’iga  lala soo galay, wax diidaya in Golaha la hor keeno oo la ansixiyaa ma jirto, wax diidaya in Sharciyad lagu shaqeeya ma jirto, tana waxa nooga soo baxay in Sharciyad lagu shaqeeya jirin, oo Sharciyad Batrooliyam ah oo baxay oo lagu shaqeeya in aanu jirin, marka aanu halka sharciyad ka eegnay, heshiis yaalaa aanu jirin, taana waxaanu leenahay oo aanu Golaha u soo jeedinaynaa, Gole weynoow waa in waajibku leeyahay u maraa oo ka jawaabaa”.

Guddoomiyaha ku xigeenka Guddida Joogta ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale, ayaa dhinaca kale waxa uu sidoo kale sharci daro ku tilmaamay cashuuro dheeraad ah oo lagu soo rogay Shirkadaha Sharaabka iyo Biyaha, waxaanu xusay in nidaamkii saxda ahaa aan loo marin, waxa kale oo uu ka xog waramay intii Goluhu fasaxa ahaa, Masuuliyiintii kala duwanaa ee ay la kulmeen, gaar ahaan kulamo ay la yeesheen Guddida Abaaraha iyo  Madaxda Baanka,waxaanu sheegay inay ka wada hadleen sicir bararka, xaalada abaareed ee dalka iyo sidoo kale guud ahaan lacagta loogu talagalay Gurmadka Abaaraha ee soo gaadhay  Guddida Abaaraha, waxaanu sheegay inay tahay lacag aad u yar.

Dhanka kale Guddoomiyaha ku xigeenka Guddida Joogta ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale, wuxuu ka hadlay kulan ay la yeesheen Wasiirka Wasaaradda Warshadaha, waxaanu tilmaamay inay ka  xog wareysteen Warshadaha dalka, kuwa shaqeeya, kuwa xidhmay iyo waliba kuwa waxyeelada keenay.

 

Geeska.