Maareeyaha Dekada Berbera Oo Shaqadii Gabay Iyo Xukuumada Oo Isku Daawanaysa Is Fahan Waaga Soo Kala Dhex Galay DPWorld Iyo Shaqaalaha. –

Labadii Maalmood Ee Ugu Danbeeyay Shaqaalaha Dekada Berbera waxay Ku Jireen Shaqo Joojin iyo Isku Soo Bax, Waxaana Keenay Shaqaaqadan Markii Aay Is Afgaran Waayeen Madaxda Shirkada Laga Kireeyay Dekada iyo shaqaalahasi, Iyadoo Maareeyihii Dekada Berbera Axmed Yuusuf Uu Gabay Hawshii Dawladu U Dirsatay, Isagoo Masuuliyiinta Shaqaalahan Mid walba Ku Yidhi Xuquuqdiina U Doonta Madaxtooyada, waxaanu tahli Waayay Qancinta Shaqaalihiisa iyo In Uu Madaxda Shirkadan Macaashdoonka ah U Sheego Xaqiiqda iyo Waxay Shaqaalahani Tabanayaan, Maareeyaha Dekada Berbera Ayaa Bulshada Berbera Ku Eedaynayaan In Uu  Ku Mashquulay  Hanti Urursi Mudadii Lixda Bilood Ahayd Ee Uu Maareeyaha Ahaa , Waxaanu Ku Dhex Milmay Shirkada Dp Wolrd oo Uu Ka gacansaar Dhaw La Yeeshay, Sida Baabuur Qaaliya Oo Lasoo Degay Intan uu Maareeyaha Ahaa oo Uu Ka Kireeya,[Tiraba sadex Lankuruser,

Xukuumada Somaliland Ayaa Dhinaceeda Qayb wayn Ku Leh Dhibkan Ka Taagan Dekada Berbera Sababtoo Ah Shaqaalahani Waxay Codkooda Mid Dheer iyo Mid Gaaban ba Ku Sheegayeen Illaa Maalintii La Sheegay In Gacanta Loo Galiayay Madaxda Dp World Dekada Berbera In Lagula Kacay Tacadi iyo Eri Aay kala Kulmeen Shirkadan Dp World, Laakiin Xukuumadu way Isku Daawanaysay Iyadoo Ciidamo Tiro Badan Kusoo Gurtay Berbera,

Badhasaabka Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed Ayaa Maalmihii U Danbeeyay Siwayn Isugu Hawlay In Uu dhameeyo Muranka ka taagan Dekada, Kulamo Gaar Gaar Ahna la Yeeshay Labada Dhinacba Ee shaqaalaha Gudi Aay Iska Soo Sareen iyo Madaxda Shirkada Dp Wolrd,

Maalintii Shalay Ahayd Madaxdii Shirkadaasi waxay Tageen Madaxtooyada Somaliland Iyadoo Wararku Sheegayaan In Madaxwayne Siilaanyo u Yeedhay Si Uu wax Uga Ogaado Dhibka Taagan, Sida Illo wareedyo u Xaqiijiyeen Shabakada Gabiley.net  Waxa isna Xalay Fiidkii Looga Yeedhay Madaxtooyada Somaliland Maareeyihii Dekada Berbera Axmed Yuusuf Bal Si wax Looga waydiiyo Cabashada Shaqaalaha ,

Xiligan Magaalada Berbera Waxaa ku Sugan Taliye Ku Xigeenkii Booliiska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan FOOXLE iyo Masuuliyiin Sare oo ka Tirsan Xukuumada Somaliland Kana Soo Jeeda Gobolka Saaxil, Waaguna Wuxuu Ugu baryay Berbera Jawi Nabdoon

 

Gabiley.net

Berbera office