Halka Ka Akhriso Nuxurka Dambiyada Loo Haysto Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon Oo Xeer Ilaalintu Soo Saartay

Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland ayaa soo bandhigay warqad ay ku qoran tahay dambiyada loo haysto wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo muddo Bil iyo Dheeraad ah ku xidhan magaalada Hargeysa.

Waxaan xeer ilaalintu ay maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ku socodsiisay warqadan ay ku xardhan yihiin dambiyada la sheegay inuu Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon ka galay dalka taas oo ay ku jiraan shakhsiyaad kamid ah xukuumadda madaxwayne Siilaanyo oo uu kamid yahay afhayeenka madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige “Dayr”.

waxaana warqadan ay soo saartay xeer ilaalinta guud ay kusoo beegantay wakhti shalay loo balansanaa in damaanad lagu soo daayo wariye Cabdimaalik sheikh Muuse Coldoon,waxaana warqadan ay u dhignayd sida tan.

.1 2

Log11