Komishanka Doorashooyinka SL Oo Ku Dhawaaqay Tiradda Dadka Iska Diwaan-galiyay iyo Wakgtiga La Bilaabayo Bixinta Kaadhka .

Hargaysa(GNN)-Komishanka Doorashooyinka Qarranka Somaliland oo goor dhawayd shir-Jaraa’id ku qabtay xaruntooda guud ee Magaaadda Hargaysa,ayaa si rasmi ah u shaaciyay tiradda guud ahaanba isku diwaan-galisay Doorashooyinka soo socda ee Madaxtooyadda,Wakiiladda iyo Gollaha Deegaanka.
Waxay Guddiga Doorashaddu sheegeen inay guud ahaanba Dalka Iska-diwaangaliyeen Tiro dhan 873,331 (Siddeed boqol iyo Saddex iyo Todobaadan Kun saddex boqol iyo kaw soddon qof),iyadda oo tiradda rasmiga ah ee Doorashadda lagu galayaana noqon doonta tiradda qaadata kaadhadhkaas Cod-bixinta.
Qeybinta kaadhadhka,ayaa la sheegay inay bilaami doonto29/4/2017, iyada oo laga bilaabaayo Gobolada Awdal iyo Saaxil.