Kooxda Xidigaha Geeska Oo Maxamed Bk Ku Soo Celiyey+Fanaanada Yurub Geenyo Oo Kooxda Laga Saaray.

Kooxda Fanaaniinta ee loo yaqaan Xidigaha Geeska ayaa mar ay maanta warbaahinta kula hadlayeen Magaalada Hargeysa waxay sheegeen in ay kooxdaasi ku soo celiyeen fanaanka Caanka ah ee Maxamed BK oo hore kooxda looga saarey.

Gudoomiyaha Kooxdani Xasan Laabsaalax ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in ay kooxda ka saareen xubunimadii Fanaanada caanka ah ee aadka looga jecel yahay Dhulka Soomalide degto ee loo yaqaan Yurub Geenyo.

Fanaanadan ay sheegeen kooxdani in ay meesha ka saareen ayaa waxay mudooyinkii ugu dambeeyey ku sugnayd Magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya.

Sababta Kooxda looga saaray fanaanadan ayaa ah tagitaanka ay ku tagtay socdaalka Magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya halkaasi oo ujeedada safarkeedu ahaa in ay bandhig faneed u  soo dhigto Taageerayaasha ay ku leedahay Dalkaasi.

Arintani kooxda lagaga saaray Yurub Geenyo ayaa ah mid hoos u dhigaysa Meeqaamkii kooxdani ku lahayd Dunida Maadama ayna Fanaaniintu ay dalka ay doonaan tagi karaan. Iyaga oo ku waayi doonaan kumanaan taagerayaal reer Somaliya ah kuwaasi oo la safan doona Fanaanada Gayiga Somalida caanka ah.