MAXKAMADDA EEDDO AYAA I XUKMISAY. ( Cadaa Ibrahiim ).

Magaalada Belqaas oo ka Tirsan Maamul Goboleedka Dakihiliyah ee Dalka Masar Waxaa ka dhacday Dhacdo intii Maqashay Calooshu ka Xanuuntay.

Cadaa Ibrahim Waa 7ba Jir Dhibbane u Noqday Colaad uuna garaad-keeda lahayn. Wuxuu ku indho furay farxad Hooyo iyo Aabe Wada jira . Maddaama Uu Curadka 2-Labbaad ahaa Wuxuu Nasiib u yeeshay Hanashada Qalbiga Labbadiisa Waalid. Marxabo iyo koolkoolin aan dhammaan ayuu Joogto uga helijiray Aabihiis Ibraahiim Rashiid Oo u Curadkiisa ahaa.

#Billowgii Aafada.
=============

Sida Nin waliba oo Islaam ah Alle u banneeyay Ibraahim Rashiid ayaa Go’ansaday inuu dhisto Guri labbaad. Wuxuu Nasiib u yeeshay Guurka Raadiya Axmed oo ahayd mid kamid ah Gabdhaha Belqaas ugu Hannaanka Quruxsan.
Ibraahim Aad ayuu ula Dhacay Raadiya Wuxuuna Siiyay Farxad uunan Waligii siin Ooridiisi hore.

Wuxuu Awood u yeellanaayay inuu Isku dhaqo Labbada Reer … Dood Badan Dabadeed Wuxuu Daaqadda Kasaaray Xaaskiisii koowaad Cadaa Hooyadii.

Raadiya oo ahayd Xaaskii 2aad Ayaa Xaajigeeda Oo Hadda ah Asakari Amar kasuga iyada Fartay in Wiilka yar ee Cadaa lagu Hayo Gurigaan . Odaygiina Yeel Amarkii oo Wiilkii Hooyadiis kasoo Qaad.

Cadaa yare Wuxuu diiday inuu Naag kale la Noolaado inta Hooyadiis Ifka Joogto. Wuxuu Iskudayay inuu ka baxsado Gurigaan Koodii loo Dumiyay.

Eeddadii Ayaa Aabihii Amar kusiiyay Inuu Ciqaabo Cunuga si uunan ugu Hammin baxsasho uu Hooyadii UguTago. Waxay Sil-silado Saro-joog ugu Xidheen Jaran-jarta hoose ee Dabaqa . Waxay ka ilaalliyeen inuu Fadhiisto sidii #fircown Maxaabista u Salbin jiray ayey u Xidheen , Jaanis uma Siin iney Xaajo u furaan .Saxarada iyo kaadida wuxuu Gudan Jiray isagoo Xidhan Oo Taagan . Cuntadana ha iska yaraatee sidaa Ayey ku Siin-Jireen. 30Maalmood ayuu kujiray Xaaladdaa Taagnaanshada ah . Waxuu Qarka u Fuulay inuu Waayo Dareenka Labbadiisa Lugood.

Eedadiis Aabihii la dhalatay ayaa Maalin Booqasho ugu Timid Guriga intii ayna Ciddii la kulmin Ayey Aragtay Xaaladda Saqiirkaan ku heysata Jaran-Jarta Hoosteeda. Waxay Arrinkii ku kuwar-gelisay Ciidanka Ammaanka ee Belqaas iyo kooxaha War-baahinta . Qof waliba oo Maalintaa Cadaa Arkay Indhihiisa illin ayaa kadaadatay.

Si deg-deg ah ayaa loola Gaadhay Isbitaalka Xaalad Caafimaad Oo Deg-deg ahna Waa lageliyay.

Markii uu kasoo baxay Xaaladdii Cusleyd ayuu Cadaa ka Warbixiyay Sidii loo Ciqaabi jiray . Wuxuu sheegay in Aabihiis ku Sameyn jiray Wax waliba Oo Islaantu Farto.

Wuxuu Sheegay inuu Saarnaa Maxkamadda Islaanta Aabihiis Qabo .. Aabihiisna Ahaa Askari Fuliya Amarka Islaanta.

Ciidammada Ammanka ayaa Xabsiga Dhigay Odaygii Xayawaanka Ahaa iyo Islaantiisii Naxariista darneyd… Haddana Waxay Xukun ka Sugayaan Maxkamadda Sare Ee Maamulka Dakihiliyah.

17190466_781191848707292_5580661650275284880_n 17309051_781191845373959_6045702583728904275_n 17342770_781191858707291_6581997777626377506_n

( Eeddaan Layaabee Arxankeedu Daranaa …. Cabdiraxmaan Shariif Baastoow Ayaa Horay ugu Heesay ).

Tifa-Tir Kooban:Naasir Meecaad.

#xigasho مجلة البوابه نیوز۔۔۔

W/Q : Abdirahman Dhagaafe