Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE ee Nairobi oo la Kulmay Safaaradaha Dalalka Denmark, Finland, Australia iyo Hay’adda USAID

Nairobi (GNN)- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo ee socdaalka shaqo ku jooga dalka Kenya, ayaa kulamo la yeeshay Safiirrada Safaaradaha dawladaha Denmark, Finland iyo Australia ee ku leeyihiin magaalada Nairobi iyo madaxda sare ee hay’adda USAID.
Shir ka qabsoomay xarunta Safaaradda Denmark ku leedahay magaalada Nairobi, ayaa diblumaasiyiinta saddexda dawladood Denmarka, Finland iyo Australia ee Nairobi ku qaabileen Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi iyo xubnaha weftigiisa, kuwaas oo ay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo la xidhiidha danaha Somaliland iyo wadashaqaynta ka dhaxaysa dawladahan.

17191179_387680218262370_486101368977910291_n 17264201_387680221595703_991909635732094004_n 17343008_387679288262463_2809170995578775922_n
Waxa kalo weftiga Guddoomiyuhu la kulmeen Agaasimaha hay’adda mucaawanada dibadda u u qaabilsan dalka Maraykanka ee USAID u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Tyler Beckelman oo uu wehelinayey La-taliyaha hay’adda USAID ee dhinaca doorashooyinka Bariga Africa Johanna Wilkie.
Weftiga Somaliland waxay kala hadleen dublamaasiyiintan iyo madaxda USAID xaaladdaha Somaliland ku jirto oo ay ka mid yihiin abaaraha iyo doorashooyinka ku soo foolka leh oo ay u sheegeen in labada arrimoodba looga baahan yahay beesha caalamku inay gacan ka gaysato.
Waxa kale oo ay u soo jeediyeen in deeqaha ay bulshada caalamku siinayso Somaliland gaar looga dhigo, isla markaana lagu saleeyo qorshaha shanta sanno ee horumarinta Somaliland ee ay dejisay xukuumaddu.
Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi waxa kulamadaasi ku wehelinayey xubnaha weftiga oo kala ah Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin iyo Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Md. Xuseen Cabdi Boos, Safiirka Somaliland u qaabilsan Kenya Md. Cabdillaahi Cabdi Cali, Wasiirkii hore ee Arrimaah Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo siyaasiga Cali Baashe oo ka tirsan xisbiga KULMIYE.