Murashaxa Xisbiga WADDANI Iyo Waftigii Uu Hoggaaminaayay Oo Ku Sugan Dalka Jarmalka Oo Lagu Qaabilay Macadka maxadka caalamiga ah ee Friedrich-Ebert-Stiftung.

Berlin(GNN):-Murashaxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro( iyo waftigii uu hoggaaminaayay oo wali ku guda jira safarkii shaqo ee ay ku marayeen qaarada Yurb, ayaa lagu qaabilay maxadka caalamiga ah ee horumarinta Siyaasadda iyo Dimuquraadiyadda ee magaciisu yahay Friedrich-Ebert-Stiftung.Image may contain: 6 people, people smiling, people standing

Maxadkan Friedrich-Ebert-Stiftung oo siweyn looga tixgaliyo qaarada Yutub iyo guud ahaan caalamka, waxay ku qaabileen waftiga WADDANI hab maamuus sare, iyadoo Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi uu ka jeediyay khudbad ku saabsan Dimuquraadiyadda Somaliland, doorashooyinka la filaayo inay ka dhacaan Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, arrinta abaaraha iyo saamaynta ay yeesheen iyo qodobo kale.

Markii ay dhammaadeen khudbadihii iyo shirarkii madaxda Xisbiga WADDANi iyo madaxda ugu saraysa Maxadka Friedrich-Ebert-Stiftung, waxa saxaafadda la hadlay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaji Xasan oo kulaan kaas ku wehelinaayay. Ugu horrayn Murashaxa Xisbiga WADDANi oo maxsuulka martiqaadka lagu martiqaaday maxadka Friedrich-Ebert-Stiftung, isagoo ka hadlaaya wuxuu yidhi.Image may contain: 4 people, people sitting, table and indoor

Waxaanu la kulanay maanta Maxadka ugu caansan Dalka Jarmalka, oo la aasaasay 1925-kii, Maxadkan oo caawiya arrimaha Dimuquraadiyadda, Saxaafadda iyo horumarkaba, waxaanu uga waranay Somaliland tariikhdeeda iyo arrimaha doorashooyinka, waxaanu ka codsanay inay Somaliland yimaadaan oo ay kamid noqdaan ururada caalamiga ah ee caawiya Somaliland, waxaan is leeyahay hadaynu la shaqayno waxay wax badan ka tari karaan inay horumariyaan Somaliland inay Ictiraafka wax inagala qabtaan iyo inay arrimaha Dimuquraadiyadda inaga tageeraan waxaanuna ku marti qaadnay inay Somaliland yimaadaan.

Geesta kale hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaji Xasan oo faah faahin isna ka bixiyay kulankii ay la qaateen madaxda maxadka Friedrich-Ebert-Stiftung, wuxuu yidhi.

Halkan waxaanu kula kulanay Maxadka caanka ah ee Friedrich-Ebert-Stiftung, oo aad noo soo dhaweeyay nala wadaagay waxay qabtaan soo dhaweeyay siday Somaliland iyo doorashooyinka ka dhacaaya ula shaqayn la haayeen, iyagoo ka shaqeeya horumarinta Dimuquraadiyadda, annaguna waxaanu u bandhigaynay mar walba iyaga iyo cid walba oo aanu la kulano sidii Somaliland wax loo la qaban laha abaarta jirta iyo duruufta ay keentay sidii loo ogaan laha. Sidaa ayuu yidhi Xirsi Cali Xaji Xasan.

Image may contain: sky and outdoorImage may contain: 2 people, people standing and suitImage may contain: outdoorImage may contain: sky and outdoorImage may contain: one or more people, car and outdoorImage may contain: 1 person, standing, tree and outdoorImage may contain: 2 people, people sitting