Shirkada Laydk Ee SEPCO Ee Magaalada Ceerigaabo Oo Waraaqo Digniina Guryaha Ugu Geeyay Shacabka –

Waxay Kor U Kiciyeen Qiimaha Laydka Oo Iyada Oo magaalada Ceerigaabona Noqonaysa Magaalada Ugu Qaalisan Qiimaha Korantada Taasi Oo 1kii Kilowaatba Yahsay 1$ Dollar .

 Dhanka Kale maamulka Shirkada Laydhka Ayaa Maanta Dadka Shacabka U Qaybiyay Waraaqo Digniina Kuwaasi Oo Dadka Looga Digayo In 3 Cisho Ay Ku Soo Bixiyaan lacagta Bil Kasta Ku Waajibtay Ka Sokow Lacago kale Shacabka Ayaa Qaar Kood Hadhwanaagnews U Shegeen In Qiimaha Lacagta Lagu Soo Dalacay Aan Lagu Lahay

Isla Markaasina Aanay
isticimaali Waxayna Arintaasi Shacabka Ku Noqotay Fajac iyo Amakaag Shirkada Laydhka Ee Sepco Waxa Intaasi Dheer Oo Dadku kaga Cabanayaan Laydhka Oo Ah Mid Aan Joogto Ahayn Isla Markaasina Mararka Qaar Iskaba Maqnaada Mudo kabadan 24 Saac

Taasina Qaybo Badan Oo Bulshada Kamida Waxay Ku Kaliftay In Ay Iibsadaan Sollar Isla markaasina Saaraan Guryahooda Si Ay uga Raystaan Laydhka Aan Joogtada Ahayn Iyo Lacaga Lagu Soo Dalacayo Ee Aan Lagu lahayn Si Kastaba ha Ahaatee Shirkada laydhka SEPCO Ayaad Moodaa In Ay U Tashatay Shacabka Magaalada ceerigabo Iyada Oo AAnay Jirin Wassaarad Korontada Xukumada U Qaabilsan Oo La Xisaabtanta Shirkadaasi