Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Ka Hadashay Ninkii Gabadha Minxiiska U Noqday

Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Oo Ka Hadashay Kiiska Milxiisaddii Ninka Noqtay, Tallaabada Ay Qaadayaan Iyo Shareecada Islaamku Waxa Ay Ka Qabto

 

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, ayaa ka hadashay ninkii Malxiisadda ahaa ee Gabadha iska dhigay, waxaanay sheegtay waxaaraddu in ay arrintaasi la socdaan oo ay maqleen kana shirayaan waxa ay shareecadu ka qabto iyo tallaabada ay doonayaan in ay ka qaadaan arrintaasi.

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Faarax oo ah Masuul ka tirsan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland una qaabilsan dhinaca Shareecada, ayaa sheegay in ay wasaaraddu waddo shirar ay culimadu kaga arrinsanayaan dhacdadan foosha xun ee ninka gabadha iska dhigay, waxaanuu sheegay in ay ka eegayaan arrintaasi dhinaca shareecada ka dibna ay u gudbin doonaan wixii sharciga uga soo baxa xaakimka dacwaddan ka garnaqaya.

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Faarax oo u warramay Wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa uu sheegay in ay go’aan ku gaaheen wasaarad ahaan in ay arrinta ay ka shiraan, lana eego qaabka loo marayo ka sharci ahaan xukunkooda marka ay soo saaraanna ay u gubin doonaan si loogu qaado xaakimka ka garnaqaya, waxaanuu yidhi “Arrintaas waanu maqalnay hase yeeshee wasaaradduna in laga shiro ayaa la go’aamiyey Culimaduna ay ka shirto, shareecadeenuna runtii ILAAHAY wuu dhamaystiray oo wax ay ka tagtay ma jiro, arrimahan oo kalena xuduud ayaa la yidhaahdaa oo nusuus la cuskado ayey leedahay culimaduna way isla waafaqsan yihiin wax la isku khilaafsan yahayna ma jiraan, waxaana look ala eegaa in uu ruuxaasi shabaab yahay iyo in uu xaas hore yeesho halisbuu gelayaa oo waxa uu geliyaa xuduudda rajmiga haddii aanuu xaas hore yeelanna karbaasha  ayuu marayaa sida ay shareecada islaamku tidhaahdo waa la karbaashaa, meel shaarica oo fagaare ah oo ay umadda islaamka oo fara badani joogaan sida khayriyada oo kale ayaa lagu sameeyaa, marka uu qaadigu xukunka rido ayaa lagu xadaa, arrintan oo kale waa arrin aad iyo aad u xasaasiya, ka wasaarad ahaan waanu ka shiraynaa wixii go’aan ahna wixii go’aan ahna waxaanu u gubin doonnaa xaakimka kiiska qaadaya”

Sheekha oo aanu waydiinay in arrintani ay shareeco ahaan noqon karto qaab khiyaamo iyo waxa ay ka yeeli doonaan marka ay sharciga u baadhaan waxa uu ku jawaabay “Shareeco ahaan arrintan waanu ka shawraynaa si aanu xogogaal ugu noqonno in ay khiyaamo tahay arrintani in uu xaas soo maray iyo in aanuu soo marin ayaanu iska hubinaynaa oo xaqiiqada ayaanu sugaynaa shareecadeenana lama deg dego, in laga shiro ayey shareecadu dhigtay ILAAHAY-na amray, markaa ka culimo ahaan iyon wasaaradduba way ka shawri doonaan arrintan wixii ka soo baxana waxaanu u gudbin doonnaa xaakimka qaadaya” ayuu yidhi Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Faarax.