Somali Ka Badan 30 Qof Oo Lagu Dilay Dalka Yemen , Goobta Lagu Dilay Iyo Sababta Loo Dilay + Sawiro.

Wararka ay shabakada Gabiley.net  ka helayso dalka Yemen
Waxaa ay sheegayaan in 31 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah lagu dilay xeebaha dalka Yemen ka dib markii uu gantaal ku habsaday doontii ay ku safrayeen.

17362520_404523483237580_6448741811530627404_n-1

laamaha caafimaadka dekedda jabhaduhu maamulaan ee Hodeidah ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan haween iyo dhallaan, dad kale oo badan oo dhaawac ahna loo wareejiyay isbitaallada magaalada.

Ilaalada xeebaha ayaa saxafiyiinta u sheegay in qaxootigan oo heysteen warqado aqoonsi oo rasmi ah oo ay bixisay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ay u sii socdeen Suudaan marka ay weerartay diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah oo gantaal ku dhufatey

Ilaa iyo hadda lama oga cidda weerarka gaysatay.

Dalka Yemen ayuuse dagaal sokeeye oo xun ka jiray tan iyo bishii saddexaad ee sanadkii 2015kii; saddex meloodow labo ka mid ah bulshada dalkaasina waxay qarka u saaran yihiin in ay maculuuli ku habsato.