Wafti Uu Hogaaminayo Wasiir Ku Xigeenka Duulista Iyo Hawada Somaliland Oo Ka Qayb Galay Shir Caalamiha Ah Oo Ka Dhacay Berlin –

Hargaysa(GNN)Wefti ka socda xukuumadda Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiir kuxigeenka Wasaarada  Duulista  Hawada iyo Gaadiidka Cirka  Somaliland Guuled Maxamed Shire, isla markaana uu wehelinayo Xildhibaan Maxamed Cali Obama iyo Abaadir Ismaaciil oo ka mid ah La taliyeyaasha laamaha dawladda.

 

Shirkan oo diirada lagu saarayey iskaashiga ganacsiga ee Afrika iyo Jarmalka, sidii labada dhinac uga faa’iidaysan lahaayeen, iyada oo ergooyinku ka soo qayb galay falanqeeyeen sidii loo kordhin lahaa isla markaana loo samayn lahaa nidaam maalgalineed iyo ganacsi oo labada dhan dhex mara.

Shirkan iskaashiga ganacsi ee Afrika iyo Jarmalka oo ah shirkii u horeeyey ee lagaga hadlayey Ganacsi dhex mara qaarada Afrika iyo Jarmalka ee ka dhaca Baarliin.

Masuuliyiinta Somaliland uga qayb galay shirkan ayaa waxa ay ka soo qayb galayaasha u bandhigeen fursadaha ganacsi ee dalka yaala.

Wasiir ku xigeenka oo ka hadlaya ka qayb galkooda shirkan ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu ku dedaalnay sidii aanu shirkan ka soo qayb galayaashiisa ugu bandhigi lahayn fursadaha dalka, waxananu rajaynaynaa natiijo fiican inay inooga soo baxdo”.

Wafigan uu hogaaminayo wasiir ku xigeenka wasaarada duulista iyo gaadiidka cirka Somaliland ayaa madal ay fadhiyeen 38 dawladood oo Somaliland ku noqonayso 39 ayaa waxa ay ku qaybiyeen buugaag ka hadlaysa maal-gashiga Somaliland ay ka samaysan karaan 82 shirkadood oo jarmal ah oo madasha shirku ka socday ku sugnayeen.

Waftigan ayaa si meeqaan sare ah loogu soo dhaweeyay madashan shirku ka socday taas oo Somaliland sumcad badan u soo jiidaysa.

 

Gabiley.net