Wararka naga soo gaadhaya magaalada Burco ayaa waxay sheegaayaan in madaxwayne Siilaanyo sakaa subaxii hore safar ku dhaafay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.Waxaana wararku Sheegayaan in madaxwayne Siilaaanyo saaka u dhaafay deegaanka Ina Dhakool oo dhinaca bari kaga beegan magaalada Burco halkaas oo uu xadhiga kaga jarayo xarun loo asteeyay inay noqonayso Meesha laga maamulayo hawlaha sahaminta shiidaalka ee gobolada Bariga Somaliland isla markaana ku taala deegaanka Ina-dhakool oo hoos timaada gobolka Togdheer.
Waxaana madaxwayne Siilaanyo la filayaa inuu duhurka dib ugu soo guryo noqdo magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
GNN