War Deg Deg Ah:-Halkan Ka Akhriso Nuxurka Go’aanka Kasoo Baxay Fadhigii Maanta Ee Xildhibaanada  Golaha Guurtida Somaliland.

Waxaana uu gudoomiye Saleebaan ku dhawaaqay 21 mudane oo ka tirsan golaha guurtida oo uu u saaray in ay kasoo talo bixiyaan muddo kordhinta loo  samaynayo madaxwayne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Saylici oo muddo xileedkoodu gabaabsi yahay,waxaana guddigan uu ku wargeliyey In ay laba cisho gudahood kaga soo jawaab celiyaan arrinka xamaasadda leh ee golaha guurtida horyaala ee muddo kordhinta ah.Gudoomiye Saleebaan ayaa sidoo kale sheegay in 2 cisho kadib ay xildhibaanadu ka doodi doonaan muddo kordhinta loo samaynayo xukuumadda marka ay guddigan la magacaabay kasoo jawaab bixiyaan hawshan loo igmaday.

Mudanayaashan gudoomiye Saleebaan u magacaaabay guddiga kasoo  talo bixinta muddo kordhinta ayaa waxa ay kala yihiin magacyadoodu sida tan

  • Siciid Jaamac Cali Gudoomiye ahna gudoomiye ku xigeenka golaha guurtida
  • Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Xubin
  • Maxamuud Xaashi Goobe Xubin
  • Cawil Cismaan Maxamuud Xubin
  • Axmed Nuur Aw Cali Aadan Xubin
  • Xaaji Cabdikariin Xuseen Cabdi Waraabe Xubin
  • Cabdiqadir Maxamed Xasan Xubin
  • Cabdiqaadir Qawdhan Maxamed Xubin
  • Dayib Xasan Axmed Xubin
  • Siciid Cabdilaahi Askar Xubin
  • Xirsi Ciise Jaamac Xubin
  • Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug      Xubin
  • Siciid Xaaji Xuseen Muusi           Xubin
  • Muxumed Aw Axmed Xaaji  Xubin
  • Muuse Xaaji Cabdi Ducaale Xubin
  • Muuse Aw Ibraahin Xubin
  • Nuur Digaale Kheyre Xubin
  • Cawil Xuseen Axmed Xubin
  • Axmed Aadan Jirde Xubin
  • Xaaji Cabdiraxmaan Cismaan Shaadh Xubin
  • Yuusuf Cabdilaahi Cawaale Xubin.

Gabagabadiina waxa la wada sugayaa go’aanka kasoo baxa guddigan ka kooban 21 xildhibaan ee loo igmaday in ay kasoo talo bixiyaan muddo kordhinta loo samaynayo xukuumadda madaxwayne SIilaanyo.

 

 

 

 

 

 

 

Cabdifataax Xareed