Wasiiradda Ugu Tunka Weyn Dawladda Imaaraadka Oo Maanta Imanaya Iyo Booqashada Madaarka Berbera Oo Bilad Icftiraaf U Noqonaysa Somaliland

 

Imaanshaha Weftiga Imaaraadka Oo Socdaalkoodu Oofwareen Ku Noqdey Dawladaha Somaliya Iyo Jabuuti ,Ilo Xogagaala Oo wargeyska SAHAN helayo ayaa tibaaxaya in magaalada Berbera ay bari imanayaan wafti culus oo iskugu jira wasiiro iyo saraakiil ciidan oo ka socda dawlada Imaaraadka Carabta.
Waxaana waftigan ka socda dalka Imaaraadka Carabta hogaaminaya sida ilo looga qaateeni sheegay wasiirka wasaaradda Duulista dalka Imaaraadka Saif Maxamed Al-Suwaidi kaas oo ay wahelinayaan saraakiil ciidan.

Waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Berbera ku soo dhaweyn doona mauuliyiinta ugu sareysa xukuumadda oo loogu talo galay inay maamuusaan.
Xogo lagu kalsoon yahay ayaa waxay noo sheegeen in ujeedada waftigan ay u yimaadeen magaalada Berbera ay tahay sidii ay usoo indho indhayn lahaayeen madaarka magaalada Berbera oo dhawaan xukuumadda Somaliland ku wareejisay dawlada Imaaraadka Carabta isla markaana ay ka dhisan doonaan saldhig Milateri, Dekeda Berbera iyo arrimo kale oo mashaariiceed oo ay ka wadaan dalka.
waxaaney muujinay talaabada horumarineed ee xukuumadu ku talaabsatay ee ku sun tan yahay madaxweyne siilaanyo kuwaaso oo taariikhda u gali doona inta ka hadhsan cimriga xukuumadiisa iyo hogaamintiisa tan iyo intii uu talada hogaamineed ee dalka uu haneeday.
Gabagabadiina waftigan ka socda dawlada Imaaraadka Carabta ayaa madaxwayne Siilaanyo kulan ku wada qaadan doonaan qasriga madaxtooyada Somaliland.

Xigasho Wargayska Sahan