Xiise Hore leh Oo Kusoo Kordhay Kiiska Macallinkii Madaxweynaha La Magaca Noqday, Shaki Ka Dhashay Isbeddel Magaca Lagu Sameeyey &Damaanad Maxkamadeed Oo La Diiday

Magacii Muranku Ka Taagnaa Oo Siilaanyo ahaa Oo Uu Eeedaysanaha Xidhane Daqiiqado Kooban ku Beddelay Iyo Booliska Oo Ka Hadlay

Maamulka Dugsigii Macallinkani Ka tirsanaa Oo Sida wax u Dhaceen Faahfaahin Ka Bixiyey

Capture.JPG1

Hargeysa(GNN)-Waxa meel xaasaasi maraya, isla markaana xiiso cusub yeeshay kiiska nin macallin ah oo maalintii saddexaad xorriyaddiisa ku la’ magaciisa oo lamid noqday midka madaxweyne Axmed Siilaanyo, kaas oo gacanta gacanta ciidamada nabadgeyladda waddooyinka ku jira.

Kiiskan oo dhegaha bulshada si weyn ugu dhex jira, ayaa waxa markii ugu horraysay si toos ah uga hadlay taliska guud ee ciidamada Booliska Somaliland iyo weliba maamulka dugsigii uu baraha ka ahaa ee Noradiin, kuwaas oo aragtiyo iska soo horjeeda ka bixiyey xadhigiisa.

Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland Sarreeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo arrintan si kooban uga hadlay, ayaa shaaciyey inuu ninkani daqiiqado ka hor intii aanay ciidamada ammaanku soo xidhin beddelay magacii afraad ee lagu haystay oo Siilaanyo ahaa, kaas oo uu beddelay Xaddi, waxana uu xusay inuu magac-beddelkaas kediska ahi shaki xooggan ku abuuray ciidamada, “Ninkani inuu dembi galay waxa caddaynaysa markii ay Boolisku baadhista bilaabeen magacii ahaa Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo isla markiiba wuu beddelay oo wuxu ku beddelay Xaddi, markaa markii uu ninkaasi Siilaanyo ahaa imikana uu Xaddi sheegtay waxan filayaa inay taasi bulshada qancinayso, waxana lagu eedeeyey sheegasho magac aanu lahayn,” ayuu yidhi taliye Fadal.

Dhinaca kalena maamulaha guud ee Dugsiyada Noradin Md. Mahad Ibraahim Maxamed oo kiiska ninkan ka hadlay, ayaa ciidamada Booliska eedayn u jeediyey, waxana uu sheegay in warqad dammiin ah oo ay maxkamadda uu garsugaha ka yahay qortay ka diideen oo aanay weli macallinkaas aqbalin sii dayntiisa.

Maamule Mahad waxa uu madaxda qaranka ka codsaday inaanay magaca madaxweynaha umadda nacayb ugu beerin, isaga oo ka warramay shakigii ciidamada galay xilligii uu macallinka xidhani lacagta u diray macallin kale oo ay ciidamadu lacago ganaax ah kusoo rogeen oo uu mobile-kiisa uga diray, waxana uu yidhi, “Madaxda waxan leeyahay kalgacalka madaxweynaha ha u rogina xumaan, markii macalinka magaciisii  la arkayna waxa ay ciidamadii yidhaahdeen madaxweynihii baa lacagta soo diraye waa maxay magacani.”

Maamule Mahad Ibraahim Maxamed Waxa uu qiray eeddaha taliyaha Boolisku u jeediyey macallinka xidhan ee uu magaciisa ku beddelay jiritaankeeda waxana uu in markii ay ciidamada nabadgelyada waddooyinku lasoo hadleen ee ay u sheegeen in magaca Siilaanyo ee afraad lagu haysto uu si degdeg ah magacaas ugu beddelay Xaddi oo uu sheegay inuu awowgiisa afraad yahay, taas oo markii dambe shaki weyn ku keentay ciidamada ammaanka ee kiiskan gacanta ku haya.

Xorriyada ninka macallinka ah, ayaa weli laalan, waxana kiiskiisa lagu hayaa baadhitaanno badan oo intooda badani salka ku hayaan sababta keentay inuu muddo kooban beddelo magacii u qornaa oo uu mid kale ku beddelay.

Waa markii ugu horraysay taariikhda Somaliland ee uu muwaadin xorriyadiisa ku waayo inuu magac la wadaagay madaxweynaha qaranka, isla markaana aan lagu eedaynin wax fal dembiyeed ah, marka laga tago inuu magacaas waqti kooban gudihiis is-beddel ku sameeyey.