Yaa Liibaana Oo Labeeya Maayar Maxamed-Amiinka Gabiley Tallaabada Horumarineed Ee Uu Hore U Qaaday.

Gabiley(GNN)-Tan iyo Intii Uu Xilka Maayarnimo kala wareegay Maayar Maxamed-Amiin Cumar Cabdi, Maayarkii ka horeeyey Ee Xilka Gudoomiyenimada Degmada uga horeeyey Gudoomiyenimada Xarunta Dawlada/Hoose ee Gabiley Shucayb Maxamed Muuse, oo Wakhti-Xaadirkan Laga Joogo Laba Sano ama 24 (Afar iyo Labaatan Bilood) ayaa tan iyo Waagaa marka dib loo Milicsado Sooyaalka Taariikhda ee aan Duugoobin Waxyaabihii u qabsoomay, iyo tallaabooyinkii horumarineed ee uu u qaaday dhinaca Horumarka iyo kor u qaadista Kaabayayaasha Nolosha iyo Waliba Bilic u samaynta Caasimada Gobolka , Iyada oo waliba Gudoomiye Maxamed Amiin Cumar Cabdi uu La kawsaday Bilowgii uu Xilka la wareegayba Iyada oo ay Dalka ka jirto Abaaro waliba saamayn Taban ku lahaa Gaar Ahaan Gobolada Galbeedka ee Gabiley iyo Awdal, iyo waliba Isbadallo Siyaasadeed oo ku yimid guud ahaan Geeska Afrika oo Dagaalo ka kaceen Dalka Yemen oo Ganacsigeenu si wayn ugu tiirsanaa, Arrintaasi oo Saamayn mug leh ku lahayd guud ahaan Dhaqaalaha Somaliland gaar ahaan Gabiley oo Nolosha Dadkeedu si wayn ugu tiirsan yihiin Ganacsiyada aynu la leenahay Dalka Itoobiya oo intooda Badan Dadkeenu uga soo waaridi jireen Dalka Yemen, maadaama ay Juquraafi ahaan ku yaalaan Xuduuda Ugu Istiraajisan ee Somaliland la leedahay Dalka Itoobiya. Taasi oo markii laga soo reeyeyna ay u labaysay Culaysyadii hore u jiray Abaaro Ba’an oo soo baro-Kiciyey Dadka Reer Somaliland ee ku dhaqnaa Gobolada Bari oo Culays wayn ku haya Guud ahaan Gobolkani Gabiley, hadana waxa ka mid ah  Tallaabooyinkii Horumarineed ee uu Qaaday Muddadan uu Xilka Gudoomiyenimada Degmada Gabiley uu hayey Maxamed Amiin Cumar Cabdi Muxumed…

Mayarka Gabiley

  • Gudoomiye Maxamed Amiin bilowgii ugu horreeyey waxa uu qaatay Go’aan uu Golaha Deegaanka Gabiley kala tashanayo Waxa ay ka yeelayaan Dayn Xaddi badan oo Gudoomiyihii ka horeeyey uu ku wareejiyey oo Cadadkeedu dhanaa  1.6 Bilyan (Hal Bilyan iyo Lix Boqol oo Milyan) Sl Sh. Taasi oo uu u saaray Guddi ka tallo bixisa oo ka tirsan Golaha Deegaanka kuwaasi oo Dadkii ku sheeganayey Daynta ku kala saarayay Dhaar iyo Millad jiritaanka Dayntaasi, oo Markii hore Daynta loo gudbiyey dhanayd 2.5 Bilyan (Laba Bilyan iyo Shan Boqol oo Milyan) Sl Sh . arrintaasi oo gaba-gabadii ku soo biyo-shubatay 1.6 Bilyan. Daynta Intaasi leeg oo muddo Lix bilood gudahood uu ku bixiyey Maayarku…
  • Gudoomiye Maxamed Amiin Isaga oo halkaasi ka sii Amba-qaaday Tallaabooyinkii Horumarineed ee uu ku ballan-qaaday waxa uu Binneeyey Saldhiga Magaalada Kalabaydh oo Shacabka ku dhaqan Magaalada Kalabaydh ay in Muddo ah ka dalbanayeen Maamulladii kala danbeeyey ee ka horeeyey Gudoomiye Maxamed Amiin Cumar Cabdi. Riyadaasi oo Maxamed Amiin u rumeeyey Shacabka Ree Kalabaydh…
  • Gudoomiye Maxamed-Amiin Tallaabadii Sadexaad ee uu u qaaday dhinaca Horumarka waxa uu Yagleelay oo uu billaabay Binnaynta iyo dhamaystirka Dhisme cusub oo Dabaq ah oo uu ku kordhiyey Xarunta Dawlada/Hoose oo ay ku soo kordheen Xafiisyo door ah oo ay ka hawl-galeen Shaqaale tiro badan oo ah dhallinyarada Aqoon-yahanka ah ee ka qallin-jabiyey Jaamacadaha Dalka.
  • Gudoomiye Maxamed-Amiin Tallaabadii Afraad ee uu qaaday waxa ay ahayd dhamays-tirka iyo Qabyo Tirka dhismayaal u badan Dugsiyo iyo Sariibad ku yaala tuulooyinka hoos yimaada Gabiley iyo Magaalada Gabileyba, kuwaas oo uu Xilka kula wareegay iyaga oo aan dhamaystirnayn, isla markaana uu si rasmi ah u dhamaystirmay.

31

Gabiley11.jpg

  • Tallaabooyinka kale ee uu qaaday Maayar Amiin waxa ka mid ah Hir-galinta iyo dhamaystirka Kaawaanka Hilibka ee Magaalada Arabsiyo oo dhismaheeda uu hir-galiyey Maayar Maxamed Amiin Cumar Cabdi…
  • Maayar Maxamed-Amiin Tallaabadii Lixaad ee uu qaaday waxa ay ahayd dibu-cusboonaysiinta Waddada Laamida ah ee dhex marta Xudunta Magaalada oo uu dhigay Jid Laamay ah oo nooca Rooga loo yaqaano, taasi oo dhererkeedu dhanaa Hal Kiiloo Mitir.

36

25

  • Maayar Amiin waxa kale oo ka mid ahaa Tallaabooyinka uu hore u qaaday Isaga oo Fulinaya Siyaasada Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ku hagayo Siyaasada Dalka, ee Ka dhabaynta Jidka Horumarka ee uu Qaaday. waxa uu Isla Jidkaasi hareero raaciyey Laydh ku shaqaynaya Tamarta Cad-ceeda oo wax wayn ka qabatay dhinaca Amniga , Magaaladana ku soo kordhisay Bilic. Arrintaasi oo Haween Waynaha Reer Gabiley si wayn u soo dhaweeyeen uguna Mahad-Celiyeen Maayarka Magaalada ee hir-galiyey Mashruucan..

 

  • Gudoomiye Maxamed-Amiin Cumar tallaabadii Todobaad ee uu qaaday sidii looga bartay Maayar Amiin Binnaynta iyo dhamaystirka Garoonka Kubada Cagta oo lagu Xayn-daabay Deyr wayn oo leh Kaabadihii lana dhigay Roog, kaasi oo loogu tallo-galay in lagu qabto Tartanada Kubada Cagta ee Heer Gobol, iyo Tartanada waawayn ee loo qabanayo Degmooyinka Gobolka Gabiley.

images

23

  • Tallaabooyinka kale ee dhinaca horumarka uu u qaaday Maayar Amiin waxa ka mid ah dhismaha Xayn-daab wayn oo lagu xidhay Xabaalaha Jaamaca Magaalada ee ay ku aasan yihiin Culimaa’udiinkii Waawaynaa ee Magaaladu.
  • Maayar Amiin Tallaabadii Sagaalaad ee uu hirgaliyey waxa ka mid ah Hirgalinta  Jid Laamay ah oo Binnaynteedu hada socdo, kaasi oo laga ag bilaabay Garoonkii hore ee Kubada Cagta ee Magaalada lana gaadhsiiyey Dooxa dhinaca galbeed ee isla Magalada

35

 

  • Tallaabadi Tobnaad ee Maayar Amiin sameeyey waxa isaguna ka mid ah dhismaha Biriij Wayn oo tallaabin doona isla Jidka hada Gacanta lagu hayo oo laga hir-galiyey Jihada Galbeed Magaalada, kaasi oo u tallaabin doona dhinaca uu ku yaalo Garoonka Kubada Cagta ee laga hirgaliyey Magaaladu.

download (1)

  • Gudoomiyaha Golaha Deegaanku waxa kale oo uu ka dhabeeyey isaga oo fulinaya Ballan qaadkii uu hore ugu qaaday Shacabka Reer Gabiley Binnaynta Waddo Laamay ah oo Afar Haad ah, taasi oo dhararkeedu dhan yahay ku dhawaad Hal-Kiiloo Mitir oo ah Nooca loo yaqaano Rooga, lagana hir-galiyey Wajahada Masjid Jaamaca Magaalada oo isaga (Masjid Jaamaca)-Laftiisu binayntiisu hada socoto, Gacantana uu ku hayo Ganacsade Jaamac Omaar, Jidkaasi oo ku soo afmeermaya Xarunta Wakaalada Biyaha ee Magaalada Gabiley.

Gabiley4(1).jpg

40

  • Maayar Amiin isaga oo sii Amba-qaaday kana dhabaynaya Kor-u-qaadistii Bilicda Magaalada, isla Markaana Oofinaya Ballan-qaadyadiisii waxa uu Isla Jidkaasi Afarta Haad ah Dhex mariyey Laydhka ku shaqeeya Illayska Cad-ceeda. Arrintaasi oo Dadwaynaha Reer Gabiley Mar Labaad si wayn u soo dhaweeyeen, una Riyaaqeen.

25

  • Tallaabada hada sii Muuqata ee Maayar Amiin u Guntan yahay ka dhabaynteedu waa Gabyanka loo xidhayo Dooxa Dugsiga sare ee Qalax oo Binaynteeda Muddoyinkanba uu ku foogan yahay taasi oo noqon doonta Mashruucii 14 aad. Wallo Mashaariicaha laga hir-galiyey ay aad uga sii badan yihiin Xaddiga aan halkan ku sheegay hadana Intani waa Inta aan tusaale ahaanta uga carrabaabay…

download

23

  • Tallaabooyinka kale ee wali Raadkoodu qoyan yahay ee Maayar Amiin u qaaday dhinaca Kor-U-Qaadista Bilicda Magaalada, waxa Iyaguna ka mid ah Dhigista la dhigayo  Mar-Marrada Casriga ah Inta u dhaxaysa Bangiga Gabiley iyo Wajahada Saldhiga Dhexe ee Magaalada oo dhamaanteed la wada dhigay, inta ka soo hadhsan Laamayda Xudunta Magaalada Dhex marta.
  • Waxa kale oo Iyaduna ka mid ah tallaabooyinka horumarineed ee Shacabka reer Gabiley u riyaaqeen Dhismayaal Meherado ah oo Wakhti-Xaadirkan laga wado Cidhifka Koonfureed ee Xarunta Dawlada/Hoose ee Gabiley ama Taangiga wayn ee Calanka Somaliland ku xardhan yahay ee ay Magaalada Gabiley Caan ku tahay hoosteeda, amaba se Ex Xaruntii hore ee Wakaalada Biyaha Gabiley.

Mashaariicahaasi oo Intooda Badan ay Xadhiga ka Jartay Marwada Madaxwaynaha Somaliland Marwo Aamina X Maxamud Jirde (Aamina Waris).

Hadaba, Warbixintani Aad qoraalka iyo Muuqaalada Sawirka ah aanu Idiinku soo gudbinay Filo dhawaan Iyada oo ah Maqal iyo Muuqaal uu ka warbixinayo Maayarka Magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi…

Suxufi Cabdirisaaq Axmed Hayaan (ilkacase)

Gabiley.net

Gabiley Office