Yuusuf Garaad Cumar SHakhsi Aan Wax Badan Ka Faa,iidey, Balse Aan Ku Kala Huleeli Doono Qadiyadda Somaliland. Qalinka: DP. C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

Amb.dr. yuusuf garaad cumar waa aqoonyahan Soomaali u dhashey gaar ahaan dawlada koonfurta Soomaaliya la yidhaahdo, waa khabiir ku talax-tagey culuunta la yidhaa ( International Relations, Journalism and linguist) oo uu kala sito kan Hore Bachular Degree halka uu Saxaafada Iyo Luqadaha uu yahay (Phd Holder), Sidoo kale mar wuxuu noqdey (Haed Branch Somali of Bbc), halka uu ugu danbayntii hayey xil aad u culus oo ah kuwa qaramada ugu baaxada weyn oo ah ( Ambasador of United Nations In Somalia Federal Government) af-soomaali ahaan Ergayga qaramada midoobey u fadhiya dawlada Soomaaliya.
DHawaan ayey ahayd markaan iska baraney barta Face bookga Sanadkii 2011kii, Maalin KHamiis ah 17/04/2011 waa maalintaan bartey yuusuf garaad cumar, sidoo kale waa maalin aan bartey qof weyn oo iga caawiya sida wax loo qoro, oon ku guuleystey ka dib markaan tilmaantiisii qaatey , Xaqiiqadiina dhinaca qoraalka waxaan ku daydaa yuusuf garaad cumar oon jecelahay inaan sidiisa wax u naaqisho, Yadna waxa xusid leh waa maalintaan bartey dibloomaasiyada iyo dibloomaasi ku xeel-dheer dhokmant badana haya, isku soo wada duuboo xiddiga nolosheyda aan hiigsadaa, ku deydaa, iska dhig-dhigaa waa yuusuf garaad cumar oon jecelahey darjadiisa inaan gaadho.
Bacda arer iyo is-barashadii faa,iidada lahayd aan ujeedkayga u daadago, Amb garaad walaw aan saaxiib nahay hadana waa nin iibiya oo aaminsan Qadiyada mala-awaalkee soomaali weyn lagu sheego kama ogolaanayo inuu qaranka Somaliland Milgihiisa Iyo Sharaftiisa la daadago mana aha mid ay qaadanayaan shacabka aan ka soo jeedo iyo dawladayaduba, Markaa waxa ila gudboon qalinkii iyo dibloomaasiyadii aan ka bartey inaan dalkayga kaga difaaco, Mr yuusuf garaad cumar waa nin aaminsan Soomaali-weyn kaasoo olole fara-badan ugu jira siduu umada u galin lahaa Soomaali-weynimada.
DR.yuusuf garaad cumar dadaalada uu u galey Soomaali-weynimada waxa ka mid ahaa Amintii uu ahaa Gudoomiyaha laanta afka-soomaligaa Ee Bbcda inuu soo shaac-bixiyo shakhsiyaadka Somaliland ka soo jeeda ee hadana diidan Somalilandnimada isla markaana u hanqal taaga Soomaali-weyn iyo riyo lixdamaadkii luntey, kuwaasoo ku tiikh-tiikhsan jirey oo yareysan Qaranimada dalka curdinka ah, yagoo soo daliishan jirey aragtiyo laciifa oo lagu soo shubey ama lagaga soo duubey badakooda qurbaha kuwa ku shubayaana ay yihiin Soomaali la mida.
Sidoo kale intuu bartey iskaashiga iyo xidhiidhka caalamiga ah ama uu dhex galey saaxada dibloomaasiyada wuxuu qorey waraaqo fara-badan kuwaasoo salka ku wada hayey isu soo celinta iyo bad-baadinta Umada Soomaaliyeed guud ahaan yadoo uu camaa ku xusayey Somaliland, qudbado caalamiya oo uu ka jeediyey barro laysugu yimidey sida xarumaha MIdawga Afrika, Xarunta Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa, Xarunta Midawga Yurub Ku Falaqeeyo Siyaasada Arimaha Dibbada, kuwanaa ugu cuslaa dadaaladii isa soo tarayey ee mudane garaad u galey in Somaliland lala daggo awgeed.
Hadaba ninkan yuusuf ee waxaasoo dadaala u galey Soomaali-weynimo ayaa maanta loo magaacaabey Wasiirka Arimaha Dibbada Soomaaliya, waxaanu mixwar u noqonayaa xidhiidhka beesha caalamka iyo umadda soomaaliyeed iyo waliba intey siyaasad wadaag leeyihiin, mana fileyno inuu mudane garaad ka noqon karro afkaartiisii isagoon fulin wuxuu doonayo mana dhaceyso taasi waayo Somaliland waa qaran hanaqaadey, taaba-galey, qaangaadhey, oon u baahnayn maanta hiil soomaali koonfur ku nool hadey yagu garanwaayeen, ka dhankayga ahaan waan ku difaaci qarankayga sidii abkey iyo awowgaba ugu soo halgameen intii itaalkayga ah.
Guntiyo gabagabadii waxaan u maleynayaa inaan saaxiibkey ku kala huleeli doono waayo haddii ay dhacdo inuu mr. garaad ka hor yimaado qadiyada iyo gooni-isu-taaga umada reer Somaliland oo iska watto khayaaligii uu aaminsanaa, waan kala dagaalameynaa hadey tahay dibloomaasiya, hadey tahay fariin caalamka la gaadhsiiyo, hadey tahay in lala xisaabtamo nimankaa walo-weynta ee ina dagey, Waxaanan u maleynayaa inaanan ixtiraameyn waxaan ka faa,iidey iyo waxaan ka korodhsadey intaan saaxiibaha barta Facebookga ahayn, een aadka uga faa,iidey dunidana aan wax badan ka bartey, Markaasi eegi mayo abaalkaa weyn ee waxaan eegi doonaa qarankayga iyo hiilka uu iiga baahan yahay.

Qalinka: Dip: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto)

Diplomatic Annalysis

Gabiley/Somaliland.