Bulshada oo Indhaha ku Haysa Wakhtigii Xakamaha u Aha Zaadka Iyo E-dahab oo Soo Dhowaaday

Hargeisa(GNN):-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa  shirkadaha isgaadhsiinta ee TELESOM iyo SOMTEL, u qabtay  wakhti kama dambays ah oo lagu amray inay ku fuliyaan qodobbadii ka khuseeyay go’aamadii  horaantii Bishii January ee sannadkan uu madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) soo saaray ee  looga gol lahaa in lagu xakameeyo sicir-bararka  iyo sarrif bararka is barkaday oo cidhiidhiga geliyay bulshada danyarta ah ee reer Somaliland.

Go’aamadii dawladda, waxa ku jiray qoddob ku saabsanaa inay shirkadaha Isgaadhsiinta ee TELESOM iyo SOMTEL, ay seerfarkooda adeegga Zaadka iyo E-dahab  ay ka saaraan wixii ka yar $100 (Boqol Doolar), taasi oo loo arkay inay kaalin weyn ka qaateen sarrif bararka iyo qiime dhaca ku yimid lacagta shilinka Somaliland.

Inkasta oo shirkadaha isgaadhsiintu ay  muddo ka cago jiidayeen inay fuliyaan go’aamadan shacbiga loogu nasteexaynayo, waxa loo saaray guddi khubarro ah oo aqoon xirfadeed u leh adeegyadan.

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland,  Maxamed Cabdi Dhoobaale, ayaa Sabtidii  sheegay in 1-da Bisha July ee fooda innagu soo haysa loo qabtay shirkadahan inay nidaamkooda ka tirtiraan   oo aanay xawilin  lacagta  ka yar $100, waxaanu sidaas daboolka ka qaaday  xilli uu ka soo baxay  shir uu Guddi hoosaadka ilaalinta hantida qaranka ee Aqalka Wakiillada la yeeshay.

Dadweynaha reer Somaliland, ayaa indhaha ku haya in shirkadaha isgaadhsiintu ay si dhab ah u fulin doonaan  go’aankii xukuumadda iyo in kale. iyadoo  macaamiisha isticmaala adeegyada Zaad-ka iyo E-dahab ay qaarna bilaabeen inay lacagta  adag ee doolarka ah  kala baxaan adeegyadan la xadiday, qaarna qorshaynayaan inay muddada loo qabtay ka hor ka qaataan hantidooda.

Geesta kalena, waxa  dadka  sida dhow ula socday go’aankan iyo xeeladihii shirkadaha isgaadhsiintu la yimaadeen ay is weydiinayeen nooca ay noqon doonto tallaabada xukuumaddu ka qaadi doonto haddii ay mar labaad dhabarka u jeediyaan go’aankii qaran ee shacbiga loogaga dul-qaadayay sicir-bararka iyo sarrif bararka isbarkan.

Xigasho Wargeyska Dawan.