CALEEMO SAARKA SULDAANKA GUUD EE BEESHA CABDIRAXMAAN SACAD SULDAAN MAXAMED SIDIIQ SULDAAN JAAMAC CISMAAN OO LA SHAACIYAY WAKHTIGA LA QABANAYO.SAWIRO

HARGAYSA (GNN) Suldaanka guud Ee beesha Cabdiraxmaan Sacad (Sacad muuse ) ayaa ku Dhawaaqday Xiliga Rasmiga ah ee la Caleemo Saarayo suldanba Beesha oo uu dhawaan ka Geeriyooday ALLEH Ha unaxariistee Suldaan Jaamac Cismaan oo ku Geeriyooday Dalka Jabuti,

Hadaba waxgaradka beesha, ganacsatada iyo guud ahaan aqoonyahan ayaa maalmihii udanbeeyay   ku hawlan qaban qaabada  sid caleemo saarka   wiil uu dhalay suldaankii geeriyooday kaasi oo xaflada caleemo saarkiisa lagu qabandoono  Magaalada Hargaysa gaar ahaan Huteelka Guuleed 17/04/2017 oo ku Beegan Maalin Isniin ah,

Munaasibadan caleemo saarka Suldaan MAXAMED SIDIIQ SULDAAN JAAMAC CISMAAN Ayaa lafilayaa in ay kazoo qaybgalaan Badi Madax dhaqameedka Beelaha Subeer Awal iyo guud ahaan madax dhaqanka Somaliland iyo bulshada qaybaheeda kala duwan,