Daawo sawiro Wasiirka arimaha dibada Somaliland oo la kulmay jaaliyada Somaliland ee dalka Tanzania.

Jaaliyada Somaliland ee dalka Tanzania ayaa kulan balaadhan la yeeshay wafti uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada Somaliland mudane sacad ali shire oo ay ku weheliyaan gudoomiyaha wakaalada qurba joogta Abdurahman Abdulahi  Hersi iyo agaasimaha siyaasada wasaarada arimaha dibada jamhuriyada Somaliland.

1

Kulankan ka dhacay hotelka golden tulip ee magaalada daresalam ayaa waxa lagu soo dhaweeyey  gudoomiyaha qurbajoogta Somaliland mudane Abdirahman Abdilahi Hirsi, isagoo khudbad gaaban halkaa ka jeediyey kuna soo dhaweeyey wasiirka arimaha dibada Somaliland mudane sacad ali shire2

Wasiirka arimaha dibada ayaa halkaa ka soo jeediyey qudbad aad u qiimo badan oo ku saabsan guud ahaan Somaliland gaar ahaan qorshayaasha wasaarada arimaha dibada iyo heshiisyada ay dawladu la gashay  dawlada emarateka carabta iyo shirkada DP World oo laga leeyahay dalka isutaga Emaratka.Screen Shot 2017-04-04 at 19.33.32

Wasiirka arimaha dibadda ayaa hoosta ka xariiqay in dawlada Somaliland  loola dhaqmo si lamid ah dawladaha caalamka  isagoo si gaar ah u sheegay in Somaliland isku wanaagsanyihin dawladaha jaarka ah xafiisyona ay ku leedahay jamhuuriyada Somaliland sida Ethiopia, Djibouti, iyo  Kenya.

Gudoomiyaha ayaa usoo jeediyey jaaliyada Somaliland ee Tanzania inay ka qayb qaataan kaalinta ictiraaf raadinta Somaliland sida jaaliyadaha kale uga qaybqaateen horumarka dalka, isagoo ku amaanay jaaliyada sida ay isugu duuban yihiin isla markaana uu jecelyahay in ay xafiis ka furtaan dalka Tanzania.

Intaa ka dib waxa la gudo galay in suaalo la waydiiyo wasiirka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen bixinta saldhiga military iyo dekeda berbera ee ay  dawlada Somaliland heshiiska kula gashay  inay maamusho dawlada isu taga Emaratku.

Wasiirka ayaa hal hal uga jawaabay suaalaha isaogo si gaara uga hadlay arinta baseka military oo uu shegay in la siistay sadex waxyaabood  dhaqaale oo ay kamid tahay dhisida wadada berbera  caafimaadka waxbarashada iyo in ay inoo furaan ganacsiga dalkooda oo dhalinteenu u shaqa tagto

waxa kale oon siinay security nabad heshiiska waxa ku jira inay inaga caawiyaan xaga difaaca tababarada ciidamada gaar ahaan kuwa badda, Waxa kale oon siisanay siyaasad oo Somaliland xulufo ayay u baahantahay iyo dal aynu ku tiirsnaano.

Dhinaca kale jaaliyada Somaliland ee dalka Tanzania ayaa halkaa ku dooratay wakiil ama gudoomiye cusub oo ay yeelato jaaliyada somalilnad ee dalka Tanzania kaas oo loo doortay mudane ka caan ah dalkan laguna magacaabo Mudane Mohamud Ahmed sheikh oo ah tujaarta reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Tanzania.

Ugu danbayntii kulanka ayaa waxa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee jaaliyada Somaliland ee dalka Tanzania waxa uuna ku dhamaaday jawi wanaagsan iyadoo ay tahay markii ugu horaysay ee jaaliyada Somaliland ee wadanka Tanzania kulan kula qaataan wasiirka arimaha dibadda Somaliland
W/Q: Mohamed Mohamud

E-Mail: bahnaan10@gmail.com