Deg-Deg-Koox Hubaysan Oo Ku Sugan Deegaanka Widhwidh Oo Afduub U Gaystay Gaadhi Ay Leedahay Shirkada Somtel Iyo Sababaha Ay u Aftuubteen.

Koox Hubaysan Oo Ku Sugan Deegaanka Widhwidh Oo Ka Mida Gobolka Bohoodle Ayaa Maalintii Shalay Ahayd  Ku Afduubtay Deegaankaasi Gaadhi Ay Leedahay Shirkada Isgaadhsinta Casriga Ee Somtel Oo Waday  Shaqaale Ka Tirsan Shirkadaasi .

Gaadhigani Ay Afduubteen Kooxdani  Hubaysan Ee Ku Sugan Deegaanka Widhwidh Ayaa La Sheegay Inay Ka Tageen Magalada Burco Si Ay Uga Hirgalinyaan Degaankaasi Baladhin Adeega Isgaadhsinta Mobilada Iyo Internetka Ay Bixiso Shirkada Somtel.

Kooxdani Hubaysan Ayaa La Sheegay Inay U Haysataan Gaadhi Hub-waday Oo Dhawaan  Ay Kale Wareegtay Dawlada Somaliland ,Kuna Sheegay Inay U Haysataan Gadhigan Shirkadu Leedahay Gaadhigaasi .

Shabakada Wararka Ee HadhwanaagNews Ayaa La Xidhiidhay Qaar Ka Mida Dad Ku Sugan Deegaanka Widhwidh Ayaa Si Isku Mid Ah Ugu Xaqijiyay Inay Koox Dablay Ah Oo Ku Sugan Deegaanka Widhwidh Ay Afduub u Gaysateen Gaadhi Ay Leedahay Shirkada Somtel Walina Ay Haystaan.

 

Kooxdani  Dabalayda Ayaa La Sheegay Inay U Afduubeen Gaadhigan Ay Leedahay Shirkada Isgaadhsinta Somtel Taaso U Haysata Gaadhi Hubsiday Oo Ay Lahayeen Kooxdan Dablayada Gacanta Hore Ugu  Dhigtay Dawlada Somaliland.

 

Xigasho Shabakada Hadhwanaag News