Deg Deg :- Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Ee Somaliland Oo Xukuno Iskugu Jira Dil Iyo Xabsi Dheer Ku Riday Eedeysanayaal + Magacyada Dadka La Xukumey .

Hargeisa(GNN):- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland ayaa waxaa ay xukuno

iskugu jira dil toogasho ah iyo xabsi dheer ku ridey askar hore uga tirsanaa ciidamada qaranka Somaliland oo dil ka dhacay dhawaan magaalada Laascanood lagu eedeyey

WaxaanaaAskartan xukunada kala duwan lagu ridey ay tiradoodu ahayd laba askari waxaana lagu soo eedeeyey inay marxuun ku dileen gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka sool taariikhdu markey aheyd dhamaadka sanadkii ina dhaafay 2016-ka

Eedeysanaha koowaad oo lagu magacaabo Saciid Saleebaan Shire oo 35 jir ah isla markaana hore uga tirsanaa ciidanka qaranka ayaa maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah kadib markii lagu cadeeyey inuu dilay Marxuun Bille Sugulle Maxamed kaas oo uu ku diley gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool

 

Dhinaca kale waxay maxkamada ayaa xukun dhan 10 sanadood oo xadhig ah ku ridey eedeysanoAxmed Saleebaan Shire oo hore uga tirsanaa ciidamada Qaranka kaas oo lagu helay isagana dambi ah inuu gacan siiyey gacan ku dhiiglaha dilka gaystay