Dhawaaqa Komishanka Doorashooyinka S/land Ee Fasaxa Bisha Ramadaan Waxuu Marag Cad U Yahay Gaabiska Iyo Muddo Kordhin Sadexaad Oo Loo Sameeyo Xakuumada Madaxwayne Siiraanyo..W/Q-Sacad Gadhle.

Afar Astaamood Oo Muujinaya In Todobada Xubnood Ee Komishanka Doorashooyinka S/land Astaamo Badan Oo Ay La Wadaagaan Komishankii Doorashooyinka Labaad S/land Ee La Kala Diray  Iyadoo La Saadaalinayo In Muddo Kordhinta Sadexaad Ka Dib La Kala Diri Doono .

Waqtigu wuu isgurayaa waxaana hubaala in Mudadii Sadexaad ee loo Cayimay qabsoomida Doorashada Madaxwaynaha iyo Madaxwane ku Xigeenka S/land ay ka hadheen Boqol iyo Konton Maalmood oo kaliya marka laga bilaabo Maalinta Komishanka Doorashooyinka S/land ay ku dhawaaqeen in ay Gobolada Saaxil iyo Awdal ka Bilaabayaan qaybinta Kaadhka Cod bixiyaha rasmiga ah 29/4/2017 mar kale waxuu Fasaxa Bisha Ramadaan ee Komishanku ku dhawaaqay marag cad u yahay Gaabiskii ka muuqday iyo in ay ka Badheedhayaan dib u dhac ku yimaada Doorashada Madaxtooyada S/land iyagoo Komishanku marka Shan meelood loo qaybiyo ay meel ka mida Fasax u Iclaamiyeen  Muddadii Boqol iyo Kontonka Maalmood ahayd ee Doorashada Madaxwaynaha ka hadhsanayd.

Sidoo kale waxaa hubaala in komishanka Doorashooyinku S/land ay Astaamo badan la wadaagaan Komishankii Labaad ee Dalka S/land yeesho Muddo Xileedkii  Madaxwaynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin oo ay Taariikhdu xusayso in Todobadaa Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka ahaa ay ku Guul daraysteen in ay Dalka ka qabtaan Doorasho dabadeedna lakala diray oo dib loo soo magacaabay Todoba Xubnood oo noqday Komishankii Doorashooyinka Sadexaad ee Dalka S/land yeesho waxayna Dalka ka qabteen Laba Doorasho muddo  Sadex Sanno Gudahood ah ah iyadoo Muddo Xileedka Madaxwayne Siiraanyo Todobadii Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka ee la soo magacaabay ay ka muuqato Afar Astaamood oo muujinaya in aanay Dalka ka qaban Karin Doorasho kaliya isla markaana ay ka muuqdaan Astaamihii  lagu kala diray Komishankii Labaad ee Dalka S/land yeesho waxaana iswaydiin mudan Halkay ka marayaan Komishanka Doorashooyinka Maahmaahda Soomaaliyeed ee tilmaamaysa ( Dheerayststaa Wuu Gaabsadaa Balse Gaabsadaa Ma Dheeraysto )

Mar kale waxaa xusid mudan Maahmaahda Soomaaliyeed ee tidhaa ( Ruqe Ninkii Lahaa Dabada Hayaa Ma Kaco )  oo noqnaysa mid lagu tilmaami karo Xaalada dhabta ah ee Dabarka Adag ku xidhay Geedi Socodkii Dimuquraadiyada S/land oo ay muuqata in Komishanka Doorashooyinka S/land ka badheedhay in uu ka Gaabsho dardar galinta Geedi Socodka Dimuquraadiyada S/land iyo in ay u nuglaadeen oo ay ku milmeen Wasiirada Awooda badan ku leh Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo oo Dad badani Aaminsan yihiin in Kumishanka Doorashooyinka S/land Xidhidhiidh dhaw la leeyihiin taasina ay sababtay in ay Gudan kari waayaan hawshaa Baaxada leh ee Qaranka S/land u hayaan iyadoo Diiwaanada Taariikhda lagu xusi doono hab maamulka Komishanka Doorashooyinka S/land maanta xilka haya  ballse aan Dull joogsanno Afar Qodob oo Sabbab u noqonaya Muddo Kordhinta Sadexaad ee Madaxwayne Siiraanyo iyo kala dirista Xubnaha Komishanka Doorashooyinka waana kuwan .

1: Komishanka Doorashooyinka S/land waxay lumiyeen Kalsoonidii Beesha Caalamka iyo Taageeradii Dhaqaale ee ay Komishanka Doorashooyinka S/land ka heli jireen Wadamada Yurub iyo Maraykan ee   Kharashka faraha Badan ku bixin  jireen Geedi Socodka Dimuquraadiyada S/land .

2:    Mar kale waxaa Hubaala in Waqti aad u kooban oo Shann Bilooda ay u hadheen xiligii loo cayimay qabsoomida Doorashada Madaxtooyada waxayse Komishanka Doorashooyinku ka Badheedheen In ay ku dhawaaqaann in Bisha Ramadaan ay Fasax tahay shaqada Komishanka Doorashooyinku” Go”aankaasi oo Bulshada S/land ku abuuray Warwar hor leh oo cadayn u ah Gaabiska Komishanka Doorashooyinka S/land  waxaa kale oo soo raaca Fasaxyada  ku jira Bisha la xuso Qaranimada S/land ee 18 May,   Fasaxa Maalinta Shaqaalaha, Fasaxyada Labada Ciidood ee Ciidal Fidri iyo Ciidal Udxa waxaana iswaydiin mudan ma leeyihiin Komishanka Doorashooyinka Kartidii iyo Go”aan qaadashadii ay kaga gudbi lahaayeen Muddda Shanta Bilood ah Hawshaa Baaxada leh ee hor taala ?

3 : Ma hayaan Cadaymo ay iskaga Difaavaan Todobada Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka S/land Hadalkii la taliyihii hore ee Arimaha Doorashooyinka Madaxwayne Siiraanyo Mr C/laahi Jawaan oo Bulshada S/land u cadeeyay in ay jiraan Kulano iyo Shirar Xubno Wasiiro ah la yeeshaan Komishanka Doorashooyinku arintan oo shaki wayn iyo Warwar hor leh ku abuuray Bulshada S/land ?

4: Waxaa jirta in Madaxwayynaha Siiraanyo sheegay in Gudi Nus Danbeeda loo magacaabayo Komishanka Doorashooyinka S/land Su”aashaas oo Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinku la waydiiyay si Cadna ugamu Jawaabin meel Adagna iskama taagin waxay marag cad u tahay Taag Darada Komishanka Doorashooyinka S/land .

Ugu danbayn Todobada Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka S/land ayaa noqonaya Masuuliyiintii ugu Gaabiska badnaa ee soo mara Dalka S/land  tann iyo Maalintii Dalka S/land laga hirgaliyay Dimuquraadiyada iyo Nidaamka Xisbiyada badan oo dalka S/land Afar Komishan Doorashooyin ay soo mareen oo Laba ay ku Guulaysteen iyadoo laga yaabo in Komishanka Doorashooyinku Maantu uu Jidkii Komishankii la kala diray Cagta saaray iyadoo Diiwaanada Taariikhda Qarniyo iyo Sannado danbe lagu xusi doono Hab Maamulkii Afartii Komishan Doorashooyin ee Dalka S/land soo maray waa Barri iyo Bill danbe .

Qalinkii Iyo Saadaashii: Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Gabiley S/land