Halkan Ka Akhriso Nuxurka Shan Qodob Oo Farmaajo Ula Tagey Dawlada Imaaraadka Carabta Iyo Jawaabaha Laga Bixiyey

Sida ay Geeska Africa u sheegeen ilo diplomaasiyadeed oo xog ogaal ahi,Farmaajo waxa uu sheikh Maxamed ka codsaday shan qodob oo qaar kamid ahi khuseeyaan Somaliland halka kuwo kalena khuseeyaan dalkiisa Somaliya iyo maamul goboleedada Somaliya.Dalabka Farmaajo

Mahadcelin iyo amaan kadib wuxuu Maxamed Cabdilaahi Farmaajo  dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta usoo bandhigay wixii uu doonayey .

Shanta qodob ee uu madaxwaynaha Somaliya ka codsaday dhaaxal sugaha Abu-dhabi ayaa sida ay ilahaasi xogo ogaalka ahi sheegeen waxay kala yihiin sida tan

  • In Imaaraadka Carabtu Somaliya ka caawiyo dhismaha ciidan Milateri
  • In loo dhiso loona qalabeeyo xafiiisyada dawlada ee Muqddisho
  • In Imaaraadka Carabtu joojiso la macaamilka maamul goboleedada dawlada Somaliya
  • In shaqaalaha Somalida ee ka xoogsada dalkaasi ee sita baasaboorada Somaliya la siiyo sharciyo caruurtoodana waxbarasho bilaash ah.
  • Iyo in Saldhiga Milateri ee Berbera la hoos keeno dawladooda Muqdisho

Qodobkan ugu danbeeya ee ku saabsan Saldhiga Miateri ee Berbera ayay ilahani sheegeen in Maxamed Cabadilaahi Farmaajo aad ugu dheeraaday ka hadalkiisa,waxaana uu sheegay in arrinta ku saabsan Saldhiga Milateri uu sidoo kale kala hadlay madax carbeed oo ay ku kulmeen shirkii dhawaan ay madaxda carabtu ku qabsadeen dalka Jorda.

Waxa sidoo kale isna hadalka sii qaatay la taliyaha Farmaajo ee arrimaha Amniga Xuseen Sheekh Cali oo ka hadlay saldhigaasi Milateri.

Jawaabta Imaaraadka

Sida ay xogahani Geeska Africa u shegeeen Imaaraadka Carabtu waxay soo dhaweeyeen inay ka gacan ka gaystaan dhismaha ciidan Milateri ,waxaase ay sheeegeen oo ay intaasi raaciyeen inay taageerayaan hawlaha Amni ee lagu hagaajinayo ee ay wadaan dawladaha Maraykanka iyo Ingiriisku oo aanay iyaga u gacan dhaafi doonin.

Qodobka Maamul goboleedyada ee uu Farmaajo dalbaday inay joojiyaan inay si  toos ah ula xidhiidhaan waxay sheegeen in aanay dawlada Somaliya marna u gacan dhaafi doonin waxaase ay sheegeen inuu wada hadal u socdo maamulka Kismaayo oo ay doonayaan dekedaas Kismaayo,waxaase ay sheegen inay dawlada Muqdisho ku soo wargelin doonaan waxii soo kordha .

Iyaga oo sheegay in Imaaraadku mar walba ka shaqaynayo horumarka Somaliya,waxa kale oo ay intaasi raaciyeen in ay doonayaan inay sahamin shiidaal ka sameeyaan dhawaan dalka Somaliya.

Qodobka ugu xasaasisanaa ee ku saabsan Saldhiga Milateri ee Imaaraadka ay dawlada Somaliland ka siisey magaaladda Berbera,waxa ay Imaaraadku kaga jawaabeen inay wada hadalo kala yeesheen dawladii hore ee Somaliya ee madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyaga oo sheegay inay adag tahay inay saldhigaasi Milateri hoos geeyaan Muqdisho madaama aanay ka talin Somaliland,iyaga oo ku dooday inaanu wanaag mooyee wax dhibaato ah keenayn,Sidoo kalena waxay Farmaajo ka dalbadeen in hadii uu hayo halista uu saldhigaasi leeyahay uu keeno Cadaymo.

Qodobka ku saabsan shaqaalaha Somaalida ee ku xoogsada Imaaraadka waxay Imaaraadku sheegeen inay dib u eegis ku samaynayaan lana qaban doonaan waxii suurto gal ah,sidoo kalena waxa uu dhaxal sugaha Imaaraadku uu sheegay inuu dhawaan ku dhawaaqi doono olole loogu gurmanayo abaarta Ba’an eek u habsatay guud ahaan Somalida.