Hoggaanka KULMIYE Oo Hadhimo-sharafeed La Wadaagay Cududda Haween-weynaha Xisbiga, Warar Laga Baahiyeyna Beeniyey

Hargeisa(GNN):-Hoggaanka xisbiga KULMIYE oo ay wehelinayeen wasiirro, xildhibaanno iyo madax-dhaqameed tiro badan, ayaa maanta hadhimo-sharafeed lagu dardargelinayey hawlaha xisbiga la wadaagay cuddudda haween-weynaha KULMIYE, iyada oo halkaasna si weyn loogaga mahadnaqay doorka laxaadka leh ee ay haweenku ka ciyaareen guulihiii xisbiga iyo kuwa mustaqbalka dhaw la rajaynayoba.
Munaasibaddan hadhimo-sharafeedda ah oo uu abaabulkeeda lahaa wasiirka madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa waxa ka qayb-galay hoggaanka xisbiga oo uu ugu horreeyo guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen ku-xigeennadiisa, xildhibaanno, salaaddiin, xildhibaanno iyo wasiirr uu hormood u ahaa wasiirka madaxtooyada, iyada meesha lagaga saaray warar maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta qaarkeed lagu qorayey oo sheegayey inuu jiro khilaaf ku saabsan guddoominta xisbiga, waxana madaxdii halkaas ka hadashay cod dheer ku sheegeen inaanu jirin wax khilaaf ah oo hoggaaminta xisbiga ka taagani.
Sidoo kale madasha si weyn loogu bogaadiyey doorka muuqda ee uu wasiirka madaxtooyada Somaliland kaga jira dardargelinta hawlaha xisbiga iyo u diyaar garowga hawsha xisbiga kusoo fool leh eek u saabsan u diyaar garowga arrimaha doorashooyinka.
Ugu horrayn guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cige(jaamac-shabeel) oo halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey doorka wasiir Maxamuud Xaashi, isaga oo dhinaca kalena digniin adag oo ku saabsan didmada xisbiga WADDANI ka muujiyey mus-dambeedka loo samaynayo guddida doorashooyinka qaranka, “Waan ku hambalyeynayaa wasiirka madaxtooyada inuu hawshii xisbiga usoo kabaal qaatay, wasiirrada kalena waxan leeyahay waa la idiinka fadhiyaa doorkaas Maxamuud Xaashi, waqtigagynu gallayna waa waqtigii olaluhu bilaabmayey oo fadhi inooma yaallo, waxana la doonayaa inuu wasiir waliba kaalinta kaga aaddan ka qaato,” ayuu yidhi Jaamac Shabeel.
Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe oo katirsan mudaneyaasha KULMIYE ugu jira golaha wakiillada oo isaguna halkaas ka hadlay sharraxaad dheer ka bixiyey asbaabta keentay inuu taageero guddoomiye Muuse Biixi isaga oo carrabka ku ballaadhiyey waxyaabo muhiim ah oo uu guddoomiyaha KULMIYE kaga duwan yahay dhiggiisa kale, waxana uu yidhi, “Wanaagga iyo tayada dadka uu xisbiga KULMIYE leeyahay Ayaan mar walba xisbiga uga tegi waayey, aniguna waxan is barbar dhigay guddoomiyahayga wakiillada iyo Muuse Biixi, waxana aan idhi keebaad raacdaa oo aad taageertaa, waxana ay ila noqotay inaan Muuse Biixi taageero, waayo Muuse isaga oo 30-jir oo madax ahaa oo maraykan waxbarasho uga yimi ninka intuu madaxtinimadiisii ka tegay Somaliland halkaas u galay iyo ninka saacadihii ugu dambeeyey liinta ku cabaayey Moscow wallaahi isku mid ma aha.”

17498616_394951797535212_872545594932392888_n 17523349_394951560868569_5626791030255998193_n 17523459_394951394201919_7781968156608950634_n 17523655_394951690868556_5248064321446153323_n 17626381_394951587535233_5286928253690449991_n 17626662_394951397535252_9200760352379472629_n 17629739_394950910868634_5148449727936782699_n 17629811_394950894201969_6141550777945351511_n 17629895_394951047535287_5457671988889989880_n 17630101_394951054201953_5626539586540333298_n 17634322_394950897535302_2998614485375233151_n
17634813_394951710868554_4318375275007785052_n
Salaadiin, xildhibaanno iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay, ayaa hambalyeeyey doorka haweenka ee xisbiga KULMIYE, waxana ay sheegeen inay mar walba baal dahab ah kaga xusan yihiin guulaha xisbigu gaadho.
Wasiirkii hore ee Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo katirsan saraakiisha sare ee xisbiga KULMIYE, ayaa mahadnaq ballaadhan u jeediyey haween weynaha KULMIYE oo uu sheegay inay laf-dhabar u yihiin guulaha xisbiga KULMIYE, waxana uu si cad u sheegay inay ka midaysan yihiin dhisidda guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, “Haddii aniga, Muuse Biixi iyo Axmed Kijaandhe aanu tartamaynay maantana waanu is dhisaynaa, tartanka KULMIYE dhex yaallayna marnaba mid colaadeed muu ahayne mid uu qof waliba dareenkiisa iyo waxa uu doonayey muujinayey ayuu ahaa, anigana waxa si khaas ah farxad iigu ah inaan walaalkay Muuse Biixi Cabdi dhisayo, Muuse-na waxan leeyahay haddii shalay aynu si adag xisbiga gudihiisa isugu haynay waxad ku bushaaraysataa annaga oo ku garab taagan oo ku dhisayna oo hiil iyo hooba kula garab taagan.”
Wasiirka madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa isaguna mahadnaqa haweenka iyo ku guubaabinta dardargelinta hawlaha xisbiga kusoo foolka leh kadib waxa uu deedafeeyey wararka sheegaya inuu jiro khilaaf hoggaaminta xisbiga la xidhiidha, isla markaana uu jiro gorgortan iyo xafiiltan uu isaga laftiisu qayb ka yahay,, waxana uu yidhi, “KULMIYE waa xisbi khilaafkiisii dhammeeyey, meelahaasna waxanu ka maqlaynaa jabaq ah khilaaf iyo dagaal baa KULMIYE ka dhex socda, waxa la isku hayaa guddoomiyihii xisbiga oo waxa isku haya Maxamuud Xaashi iyo Maxamed Kaahin iyo rag kale, laakiin waxanu caddaynaynaa oo far waaweyn ku dhigaynaa maanta KULMIYE hal loollan buu ku jiraa, loollan labaadna kuma jiro, KULMIYE waxa uu ku jiraa sidii uu talada dalka mar labaad ku heli lahaa, waxana aynu dhammaanteen dhisaynaa Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici, mana jiro loollan labaad oo dhexdeena ahi.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu wasiirku caddeeyey inay saaxiibtinimo iyo odaytinimo weyn u dhaxayso isaga iyo Maxamed Kaahin, isla markaana ay labadooduba ku midaysan yihiin sidii guddoomiye Muuse Biixi Cabdi uu hoggaaminta dalka ula wareegi lahaa, isaga oo farriin cadna u diray taageerayaasha KULMIYE, “Aniga iyo Maxamed Kaahin waxanu nahay laba nin oo saaxiib ah, isagu waa guddoomiye-ku-xigeenkii KULMIYE aniguna wasiirkii madaxtooyadaan ahay, labadayaduna waxanu fadhinaa kaalin adag oo culus oo la yidhaahdo biyo-culusta, waxana aanu nahay kuwa Muuse haddii uu dhismo taariikhdooda ay saamaynta weyn ku leedahay, rag ceel wadaan ka wada dawlinayaana oo wadaan wada jiidayaa haddii aanay si fiican jiibta iyo jaanta isula helin oo midba ka kale qardabo ma wada guulaystaan, aniga iyo Maxamed Kaahin-nna raggaas wadaanta wada jiidaya ayaanu nahay, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE-na maanta tartan kama jiro oo waaka halkan fadhiya oo waa Muuse Biixi Cabdi, waxana aan leeyahay waxa dacaayadahaas iyo maaweelooyinkaas wada dad xisbiga KULMIYE doonaya inay cudur dhex geliyaane reer KULMIYE waxan leeyahay dacaayadahaas iyo cudurkaas iska ilaaliya” ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi.
Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isaguna xusay inaanu wax khilaaf ah oo u dhexeeya hoggaanka xisbiga, isla markaana isaga iyo wasiirka madaxtooyadu ku midaysan yihiin ka midho dhalinta hanka guddoomiye Muuse Biixi ku doonayo inuu qaranka hoggaamiyo, “Aniga iyo Maxamuuud Xaashi si fiican baanu u wada shaqaynaa, isaguna waa wasiirkayga biyo-culusta fadhiya aniguna odaygiisa xisbiga jooga baan ahay, arrinkanna waanu ka wada hadalnaa.”
Guddoomiyaha xisbiga KULMIIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna munaasibadda soo afmeeray, ayaa sheegay inay xisbi ahaan ku qanacsan yihiin natiijada cod-bixiyayaashii ay komishanka doorashooyinku soo saareen, isla markaana ay rajo fiican ka qabaan inay darafyada waddanka ka keenaan codad, waxana uu yidhi, “Xisbiga KULMIYE waxa uu ku qanacsan yahay oo uu soo dhaweynayaa natiijadii uu soo saaray guddida doorashooyinka, intii is-diiwaangelisay iyo intii ka shaqaysayna waanu hambalyeynaynaa, doorashada KULMIYE-na waxa aanu guusha ka doonaynaa lixda gobol oo dhan, haddana gobollada darafyada ayaanu koobka ka qaadaynaa oo xooggayaga, mucdayada iyo dadka na taageeraaba joogaan, taasna waanu ka hawlgelaynaa.”