Imisa Sanno Ayay Kala Danbaynayaan Burburka Geedi Socodka Dimuquraadiyada S/land Iyo Burburka Qaranimada Jamhuuriyada S/land ? Qalinkii :Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

Ma Jirtaase Xidhiidh Iyo Xeelado Qarsoon Oo Ka Dhexeeya Gaabiska Komishanka Doorashooyinka S/land Iyo Masuuliyiinta Ku Xeeran Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ?

Dhulkana bidixlaa ku nool

Waxaa jira been awaas  

Iblayskuna waa bakhayl

Bahdiisuna waa yiciis

Balway ku hor qaadayaan

Bustay kugu laabayaan

Haday buro kaa helaan

Waxay kugu badhi furaan

Dharaaraha baane jiro

Balaayana way gudaa

Bariisana way dhacdaa

Hadii laga sii badqabin

Waxaad ku baraarugtaa

Beentaadu runtay necbayd

Maansadii ( Aduunyadu Waa Basteed ) Abwaan Hadraawi 1997 Qalinkii : Sacad X Gadhle  

Waxaa hubaala in Madaxwayne kasta iyo Masuuliyiinta ku xeeran Mudo xileedkooda Diiwaanada Taariikhda lagu Xusi doono Hab Maamulkiisa sidoo kale waxaa xusid mudan in Hogaamiyayaasha Xisbiyada Wadani iyo Ucid iyo Daneeyayaasha Dimuquraadiyadu ay warwar hor leh ka muujiyeen in Doorashada Madaxtooyadu mar Sadexaad dib u dhacdo iyagoo ku sababeeyay in dib u dhacaasi ka imanayo Komishanka Doorashooyinka oo wali Kharashkii Bixinta Kaadhka Rasmiga ah ee Codixiyaha oo aan soo gaadhin Xaga Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo iyadoo Xubnaha Komishanka Doorashooyinka S/land iyo Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo hore u lumiyeen Kalsoonidii Beesha Caalamka ee Kharashaadka badan ku bixin jiray Geedi Socodkii Dimuquraadiyada S/land ball aynu dib u milicsano Yagleelkii Geediga Socodka Dimuquraadiyada S/land ilayn tacab ba”ay Beer uun maahee.

Waxayna Taariikhdu ka marag kacaysaa in Madaxwaynihii hore ee Marxuum Maxamad X Ibraahin Cigaal Alle ha u Naxariistii in markuu Diyaariyay in Dalka Jamhuuriyada S/land ka guuro Nidaamkii hab Doorasho ee Beelaha una guuro Habka Dimuquraadiyada ee Xisbiyada badan sidoo kale waxuu Marxuum Cigaal muddo Xileedkiisii Bulshada S/land u dareertay codeynta Aftidii Dastuurka S/land Maalin ku beegan 31/5/2001 islamarkaana waxuu dhamaystiray Xeerarkii Suurto galinayay in ay dalka ka qabsoomaan Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Madaxtooyada diyaariyay ay Geeridii Xaqa ahayd ku timid Maalin ku beegan 3/5/ 2002.

Mar kale waxay Taariikhdu ka marag kacaysaa in aanu joogsan Hakadna Galin Geedigii  Dimuquraadiyada iyo Doorashooyinka S/land islamarkaana uu dhamays tiray  Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin oo Doorashooyinkii ugu badnaa Dalka ka qabtay sida 15/12/2002 oo Madaxwayne Daahir Rayaale Dalka ka qabtay Doorashadii Goloha Deegaanka oo noqotay Doorashadii  koowaad ee Dalka S/land ka dhacda halka Afar Bilood ka dib uu Dalka ka qabtay Doorashadii Madaxwaynaha 14/4/2003 nasiib wanaagna uu Sideetan Cod ku guulaystay Madaxwayne Rayaale mar Sadexaad waxuu Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin Dalka S/land ka qabtay Doorashadii Golaha Wakiilada maalin ku beegan 29/9/2005 iyadoo Sadexdii Sanadood ee u horeeyay Muddo Xileedkiisa uu Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin Dalka S/land ka qabtay Sadexdaa Doorasho halka Doorashadii Afraad Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin uu Dalka S/land 26/6/2010 isagoo Madaxwayne Rayaale lagaga guulaystay Doorashadaa si Dimuquraadi ahna uu Xilkii ugu wareejay Madaxwaynihii la dooraty oo ah Madaxwayne Axmad Maxamad Maxamuud Siiraanyo oo Xilka maanta haya.

Maanta waxaa hubaala in Geedi socodkii Dimuquraadiyada S/land uu gabi ahaanba joogsaday Muddo Xileedka Madaxwayne Siiraanyo iyadoo 12 Sanno oo Golaha Wakiilada S/land xilka hayaan ay Dalka Colaadaha Iyo Abaaruhu Daashadeen ee Soomaaliya ay Sadex Gole Baarlamaan iska badaleen halka muddo Xileedka Madaxwayyne Siiraanyo Sadex Madaxwayne isbadleen oo kala ah Sheekh Shariif, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxwayne Maxamad Cabdilaahi  Farmaajo,

Mar kale ball aynu dull joogsano” Sadex Muddo kordhinood oo Sabab La”aan Golaha Guurtidu mudo kordhin ugu sameeyay Golayaasha Qaranka S/land iyagoo fulinaya soo jeedinta Madaxwaynaha iyadoo  Taariikhdu ka marag kacaysa in mudo kordhinta iyo Xukuumada  Madaxwayne Siiraanyo wada socdeen waxaana xusid mudan in Madaxwayne Siiraanyo Kow iyo Afartan Maalmood markuu Xillka hayay Maalin ku beegan 7/9/2010 Golaha Guurtidu iyagoo fulinaya soo jeedinta Madaxwaynaha u kordhiyeen Golaha Wakiilada mudo Laba Sanno iyo Sideed Bilooda halka Golaha Guurtidu isku kordhiyay Sedex Sanno iyo Sideed billood iyagoo Golayaasha Deegaanka u kordhiyay mar Labaad waxay Golaha Guurtidu u kordhiyeen Golaha Wakiilada muddo Laba Sanno ah Maalin ku began 10/4/2013 waxaana Xusid mudan in la is waafajiyay Dhamaadka Mudo Xileedka Madaxwayne Siiraanyo iyo Golaha Wakiilada .

Mar Sadexaad waxaa Maalin ku began 27/5/2015 Golaha Guurtidu u kordhiyeen Golaha Wakiilada  Iyo Madaxwayne Siiraanyo  muddo Sanad iyo Todoba Bilooda iyadoo khilaaf Cakiran ka dhacay ay  Go”aan Maxkamada Sare ka soo saartay ay ku Go”aanmisay waqti kama danbaysa ee ay dhacayso Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Madaxwaynuhu   28/3/2017 .

Balse Ruqe Ninkii Lahaa Dabada Hayaa ma kacee waxuu Madaxwayne Siraanyo go”aan ku kala Qaaday Labadii Doorasho ee isku Lamaanaa ee Golaha Wakiilada iyo Madaxwaynaha Maalin ku beegan  10/9/2016 .

Mar kale waxaa xusid mudan in Muddo kordhin Afraad oo Todoba Bilood ah Golaha Guurtidu u sameeyay Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo Maalin ku beegan 6/3/2017 ,halka Golaha Wakiilada u kordhiyeen Muddo Laba Sanno ah,Golaha Guurtiduna isku kordhiyeen Sadex Sanno ah iyadoo Muddo Kordhintaasi noqonaysa tii Afraad ee golayaasha Qaranka loo sameeyo Muddo Xileedka Madaxwayne Siiraanyo waxaana Bulshada S/land ay layaab ku noqotay in Hogaamiyayaasha Sadexda Xisbi Qaran ay soo dhaweeyaan kana raali noqdeen Muddo kordhintaas dheeraadka ku ah ee Khilaafsan Heshiiskii Hogaamiyayaasha Sadexda Xisbi Qaran iyadoo Raali ahaanshoogu muujinayo in ay la wadaagaan Burburinta Dimuquraadiyada S/land Madaxwayne Siiraanyo,Golaha Guurtida iyo Komishanka Doorashooyinka S/land waxaanse ku dhaafayaa Taariikhdu ma halmaanto Masuul kasta oo ku tuntay Sharcigii lagu soo doortay Waa Barri iyo Bill Danbe       

 Qalinkii : Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Gabiley S/land