Ismiidaamin goor dhow ka dhacday caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho

Weerar ismiidaamin ah, ayaa goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo uu weerarkan fuliyay nin naftii halliga ahaa oo la socday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

1

Ninkan, ayaa inta u dhaxeyso Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ex Kulliyaddii Jaalle Siyaad ku weeraray kolonyo uu la socday Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Axmed Maxamed Jimcaale (General Cirfiid).

Taliyaha, ayaa waxaa la sheegay in weerarkaasi uu ka badbaaday, balse gaari caasi ahaa oo qaraxa kula kulmay wadada, ayaa waxaa la soo sheegaya in uu ku burburay qaraxaasi.

Gaarigan oo xilligaa ka yimid dhinaca wadada ka timaada Ex Control Afgooye, ayaa waxaa la soo sheegaya in uu waday rakaab. Inta badan dadkii gaariga saarnaa, ayaa la soo sheegaya in qaraxaasi ay ku waxyeeloobeen.

Askar la socotay gaadiid Cabdi Bille ah oo lagu galbinaayay Taliyaha Ciidanka Xoogga, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in dhaawacyo kala duwani uu ka soo gaaray qaraxaasi.

Goobjooge, ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka Xoogga uu saarnaa gaari gaari nooca aanay rasaasta karin, waxaana la beegsaday, xilli uu ka soo laabtay munaasabad lagu qabtay Xarunta Gaashaandhiga oo uu xilka kula wareegaayay.

Wadada qaraxan lagula eegtay General Cirfiid, ayaa 18-kii bishii September ee sanadkii 2016-ka ismiidaamin ka dhacday waxaa lagu dilay General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale), oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga.

Ismiidaaminta ka dhacday Magaalada Muqdisho, ayaa waxay ku soo beegmaysaa laba cisho ka dib, markii Madaxweyne Farmaajo uu is bedel ku sameeyay Taliye-yaasha ciidamada, kuna dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al Shabaab.21